Gigi Buffon Oo Amaantii Ugu Weyneyd U Huwiyay Harry Kane Isagoo La Barbardhigay Ronaldo, CR7 & Batistuta & Inzaghi

0
Saturday December 30, 2017 - 13:41:50 in by Burco Office
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gigi Buffon Oo Amaantii Ugu Weyneyd U Huwiyay Harry Kane Isagoo La Barbardhigay Ronaldo, CR7 & Batistuta & Inzaghi

    Gigi Buffon Oo Amaantii Ugu Weyneyd U Huwiyay Harry Kane Isagoo La Barbardhigay Ronaldo, CR7 & Batistuta & Inzaghi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gigi Buffon Oo Amaantii Ugu Weyneyd U Huwiyay Harry Kane Isagoo La Barbardhigay Ronaldo, CR7 & Batistuta & Inzaghi

Halyeeyga Italy Gianluigi Buffon ayaa ku amaanay Harry Kane inuu yahay gooldhaliye dabiici ah kaasoo hubanti ka dhigi kara gabagabada waayihiisa ciyaareed dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha Juventus ayaa ka fariisan doona ciyaaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waa haddii uusan ku guuleysanin Champions League isagoo da’diisa ay sii galeyso 40 sanno.

Buffon oo aan waligiis ku guuleysanin Champions League ayaa wajahi doona kooxda Harry Kane ee Tottenham wareega 16ka ee bilaabanaya bisha Febraayo.

Gooldhaliyaha England ayaa qabsaday bogaga hore ee isboortiga Yurub ka dib markii uu dhaliyay 56 gool sannadkan 2017, waana in ka badan inta aysan sannadkan dhaliyeen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Xiddiga Serie A ayaa sheegay in Kane uu shaqeystay in lala barbardhigo xiddigihii ugu waa weynaa ee soo mara kubada cagta.

"Harry waxa uu ka mid yahay haatan weeraryahanada ugu fiican Yurub, taasi su’aal kama taagna” ayuu yiri Buffon. "Ciyaaryahan ahaan waxaa jira meelo aad ciyaartaada ka dhisi karto oo aad horumar ka sameyn karta, laakiin waxaa jira waxyaabo qaar aadan baran karin.

"Gooldhalinta dabiiciga ah ee uu leeyahay waa tayo lagu dhasho sida aan anigu qabo. Waxaan mudadii sannadaha aheyd soo arkay Ronaldo, Cristiano Ronaldo, Inzaghi, Batistuta, waxa ay leeyahay dilaanimo dabiici ah oo rafaadin kara goolhayayaasha, waana iska cadahay in Kane uu sidaas oo kale yahay.

"Xirfadeyda ciyaareed oo dhan waxaan doonayay inaan isku tijaabiyo oo aan ka horimaado kuwa ugu fiican, haatan Harry Kane ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican. Waxaan leeyahay dabeecad ah inaan ka cabsoonin kuwa ugu fiican, waan ixtiraamaa, laakiin waxaan mar walba doonayaa inaan ka horimaado.”