Eden Hazard, Philippe Coutinho Iyo Waxyaabihii Kale Ee Maanta Oo Sabti Ah Lagu Soo Daabacay Bogaga Hore Ee Wargaysyada Spain.

0
Saturday December 30, 2017 - 14:04:54 in by Burco Office
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard, Philippe Coutinho Iyo Waxyaabihii Kale Ee Maanta Oo Sabti Ah Lagu Soo Daabacay Bogaga Hore Ee Wargaysyada Spain.

    Eden Hazard, Philippe Coutinho Iyo Waxyaabihii Kale Ee Maanta Oo Sabti Ah Lagu Soo Daabacay Bogaga Hore Ee Wargaysyada Spain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eden Hazard, Philippe Coutinho Iyo Waxyaabihii Kale Ee Maanta Oo Sabti Ah Lagu Soo Daabacay Bogaga Hore Ee Wargaysyada Spain.

Wargaysyada Spain ka soo baxa gaar ahaan kuwa Sportska ayaa si wayn wax uga qoray xaalada mustaqbalka Eden Hazard iyo Philippe Coutinho oo laga doonayo Santiago Bernabeu iyo Camp Nou sida ay u kala horeeyaan. Aabaha dhalay Eden Hazard ayaa shaaciyay in sababta uu wiilkiisu u diiday heshiis kordhinta Chelsea ay tahay in uu rajo ka qabo dalab uga yimaada Real Madrid warkaas oo ay si wayn u qaadaa dhigeen saxaafada Spain.

Dhinaca kale Philippe Coutinho ayaa la sheegay in uu haddaba guri ka raadsano magaalada Barcelona isla markaana uu doonayo in uu ka ag dhawaado halka uu Luis Suarez degan yahay. Waxa kale oo bogaga hore ee wargaysyada Spain maanta oo sabti ah looga hadlay in kooxda da’yarta Barcelona ay xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysteen koobka La Liga promises.

Haddaba Shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo koobaysa waxyaabihii ugu muhiimsaa ee maanta oo sabti ah lagu soo daabacay bogaga hore ee wargaysyada caanka ah ee dalka Spain ka soo baxay iyo waxyaabihii ay ka qoreen kubbada cagta.

Boga Hore Ee Wargayska Marca:

Wargayska Marca muhiimada kowaad boga hore ku siiyay xaalada ka soo cusboonaatay Eden Hazard waxaana qoraalka boga hore lagu yidhi: ” Iljabintii ugu danbaysay ee xidiga ree Belgium ee Real Madrid. Aabihii ayaa sharaxay sababta heshiis cusboonaysiintiisa Chelsea ay waqti dheer u qaadanayso’.