Guriga Cabdi Qaybdiid oo la weeraray Iyo Cida Weerartay.

0
Sunday December 31, 2017 - 09:38:17 in by Burco Office
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guriga Cabdi Qaybdiid oo la weeraray Iyo Cida Weerartay.

    Guriga Cabdi Qaybdiid oo la weeraray Iyo Cida Weerartay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guriga Cabdi Qaybdiid oo la weeraray Iyo Cida Weerartay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda weerartay guriga Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo duhurnimadii Sabtida ciidan hubaysan oo loo malaynayo inay kuwa dawladda yihiin ay xoog ku galeen.

Xilliga weerarku uu dhacay, Mr Qaybdiid waa uu ka maqnaa guriga, mana jiro wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhashay.

Senetor Cabdi qaybdiid oo goor dambe saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha nabadsugidda ee gobolka Banaadir uu ku wargeliyey in guriga ay soo weerareen 'ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta'.

Barta Twitterka ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyadana lagu qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu taliyaha milateriga ku amray in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaas, ayadoo 'ciddii ku lug yeelatana sharciga lala tiigsan doono'.

Sawirro laga soo qaaday guriga Sen. Cabdi Qaybdiid ayaa muujinaya burbur loo gaystay agabkii guriga yiillay.

Cidna waxba kuma noqon weerarka
Image captionCidna waxba kuma noqon weerarka
Cabdi Qaybdiid wuu maqnaa markii gurigiisa la weeraray
Image captionCabdi Qaybdiid wuu maqnaa markii gurigiisa la weeraray

Wakaaladda wararka ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa goor dambe shaacisay in taliyaha ciidanka xoogga dalka uu xabsiga u taxaabay 40 askari oo ciidanka dawladda ka tirsan iyo laba sarkaal oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Qaybdiid.