Kenya:Daawo Sawiro Iyo Warbixin Weerarkii Shabaab Ku Qaaday Magaalada Ijara Ee Deegaanka Garissa.

0
Monday January 01, 2018 - 07:49:21 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:Daawo Sawiro Iyo Warbixin Weerarkii Shabaab Ku Qaaday Magaalada Ijara Ee Deegaanka Garissa.

    Xildhibaanda laga soo doorto degmada ijara ee deegaanka garissa Gobolka Waqooyi Bari Kenya Marwo Safia Abdinoor ayaa shalay kormeer ku soo martay qaybo ka mid ah magaalada ijara oo habeenkii jimcaha ay soo weerareen dagaalyahano looga shakisanyahay x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanda laga soo doorto degmada ijara ee deegaanka garissa Gobolka Waqooyi Bari Kenya Marwo Safia Abdinoor ayaa shalay kormeer ku soo martay qaybo ka mid ah magaalada ijara oo habeenkii jimcaha ay soo weerareen dagaalyahano looga shakisanyahay xarakada alshabaab.



Dagaalyahanada oo tiradooda lagu qiyaasay ugu yaraan 60 qof ayaa waxay mudo kooban qabsadeen magaalada iyagoona burbur xoogleh u gaystay saldhiga ciidanka bilayska iyo sidoo kale birta isgaarsiinta safaricom taasoo keentay in boqolkiiba 60 degmada ijara ay waayaan adeega isgaarsiinta.



Inkastoo asan jirin wax dhimasha ah ayaa hadana waxaa sidoo kale lagu eedeeyay dagaalyahanada dabeecado aan horay looga baran ka dib markii ay basuuke ku dhufteen ilbaabka mid ka mid ah tukaamada shacabka halkaa oo gaari a kasoo dhaceen bilayska ay ku gurteen badeeca badan oo tukaanka tiilay.
Milkiilaha tukaanka oo warbaahinta Universal ay wareysatay ayaa sheegay inuu soo gaara khaasaare dhan qiima ahaan shan boqol oo kun burburka tukaanka loo gaystay iyo badeecada waloow uu sheegay in dadka qaar maqlayay hadalo ay ku dhawaaqaeen dagaalahanada in goobta ganacsi ay tahay wakiil u adeega bangiga dawlada ee KCB.

Xildhibaan safiya oo kulamo gooni gooni ah la yeelatay qaybaha bulshada dega magaalada, madaxda iyo saraakiisha amaanka ee degmada ayaa sheegtay in weerarka uu argagax ku abuuray shacabka iyadoo dawlada ugu baaqday in la xoojiyo oo ciidamo dheeraad ah la geeo dibna loo dhiso saldhiga bilayska sidoo kalena la taba baro oo la shaqo galiyo ciidamada kaydka bilayska ee loo yaqaano KPR.


Marwa safiyo ayaa geesta kale walaac ka muujisay cabsida dadka ajanabiga iyo saamaynta weerardan ay ku yeelan karaan degmada madaama ay ka carareen halkaasi macalimiintii iyo saraakiisha caafimaadka iyadoona dhawaan laga soo laabanayo fasaxa dugsiyada.


Magaalada ijaara ayaa qiyaastii boqol kilo meter u jirta xuduuda soomaliya ee dhanka huluqo iyo sidoo kale masaafo aan dheereen dhulka hawdka ah ee dhinaca ku haya xuduuda somaliya ee boni forest oo saldhig weyn u noqday xarakada iyo meelaha ay kasoo abaabulaan inta badan weerarada laga fuliyo gudaha kenya.