Abaalmarinada La Bixin Doono, Goobta & Waqtiga Xafladda, Musharaxiinta, Daadihiyaha & Wax Walba Oo Ku Saabsan Xafladda Lagu Abaalmarin Doono Ciyaartoyda AFRICA.

0
Tuesday January 02, 2018 - 16:22:26 in by salman abdi
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaalmarinada La Bixin Doono, Goobta & Waqtiga Xafladda, Musharaxiinta, Daadihiyaha & Wax Walba Oo Ku Saabsan Xafladda Lagu Abaalmarin Doono Ciyaartoyda AFRICA.

    Abaalmarinada La Bixin Doono, Goobta & Waqtiga Xafladda, Musharaxiinta, Daadihiyaha & Wax Walba Oo Ku Saabsan Xafladda Lagu Abaalmarin Doono Ciyaartoyda AFRICA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaalmarinada La Bixin Doono, Goobta & Waqtiga Xafladda, Musharaxiinta, Daadihiyaha & Wax Walba Oo Ku Saabsan Xafladda Lagu Abaalmarin Doono Ciyaartoyda AFRICA.

Xiriirka qaaradda Africa ayaa qaban-qaabinaya xafladda sanadlaha ee lagu bixiyo abaalmarinada kala duwan, waana markii 26-aad oo ayConfederation of African Football (CAF) agaasimayaan xafladaan qiimaha weyn ugu fadhisa dadka kubadda cagta Africa.

Abaalmarinta ugu weyn ee la sugayo waa in lagu dhawaaqo xidiga ugu fiican qaaradda Africa ee ay u tartamayan Sadio Mane,Aubameyang iyo Mohamed Salah iyo sidoo kale macalinka ugu fiican qaaradda Africa – waxaana ugu cad-cad Hector Cuper oo maamula xulka Egypt.

WAA GOORMA?

Xafladaan waxey dhici doontaa 4-ta January – Khamiis, waxeyna ka dhici doontaa magaaladaAccra ee dalka Ghana.

YAA KASOO QEYB GALAYA:

Xafladaan waxaa kasoo qeyb galaya madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Africa Ahmad Ahmad, madaxweyne ku xigeenkaKwesi Nyantakyi, madaxa fulitna xubnaha CAFAmaju Pinnick, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha GhanaIsaac Asiamah.

YAA DAADIHIN DOONA?

Xafladaan waxaa ku dhawaaqi doona guuleystayaasha halyeeygii hore GhanaSammy Kuffour.

MUSHARAXIINTA DHAN WALBA:

Xidiga Ugu Fiican Qaaradda Africa:

Mohamed Salah (Egypt & Liverpool)

Pierre-Emerick Aubameyang (Gabon & Dortmund)

Sadio Mane (Senegal & Liverpool)

Xidigta Ugu Fiican Qaaradda Africa:

Asisat Oshoala (Nigeria & Dalian Quanjian)

Chrestina Kgatlana (South Africa & UWC Ladies)

Gabrielle Aboudi Onguene(Cameroon & CSKA Moscow)

Da’yarka Ugu Fiican Africa:

Krepin Diatta (Senegal & Sarpsborg)

Patson Daka (Zambia & Liefering)

Salam Giddou (Mali & Guidars)

Macalinka Sanadka Africa:

Gernot Rohr (Nigeria)

Hector Cuper (Egypt)

L’Hussein Amoutta (Wydad Athletic Club)

Kooxda Sanadka Africa:

Al Ahly

TP Mazembe

Wydad Athletic Club

Xulka Ugu Fiican Qaaradda Africa:

Cameroon

Egypt

Nigeria

Xulka Ugu Fiican Qaaradda Africa (Dhanka Haweenka):

Ghana U-20

Nigeria U-20

South Africa