Madaxweyne muuse biixi oo 21 maalmood kaddib aan weli dhammaystirin dhismaha xukuumadiisa+sababta.

0
Wednesday January 03, 2018 - 13:03:46 in by Burco Office
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne muuse biixi oo 21 maalmood kaddib aan weli dhammaystirin dhismaha xukuumadiisa+sababta.

    Madaxweyne muuse biixi oo 21 maalmood kaddib aan weli dhammaystirin dhismaha xukuumadiisa+sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne muuse biixi oo 21 maalmood kaddib aan weli dhammaystirin dhismaha xukuumadiisa+sababta.

21 Maalmood ayaa laga joogaa maalintii 13 December ee uu MadaxweyneMuuse Biixi Cabdi, si rasmi ah ula wareegay xilka qaranka, ka dib doorashadii qabsoontay 13 November, waxaana weli madaxweynaha laga sugayaa dhammaystirka xukuumadiisa.

 

Wakhtigan uu Mdaxweyne Biixi xilka hayay oo ku sii dhawaanaysa muddo bil ah, ayaa wuxuu dhisay oo keliya golaha wasiirada, waxase weli qabyo ah waaxyaha kale ee xukuumadiisa kuwaas oo badankoodu mishiin u ah dhaqaajinta nidaamka dawladnimo.

 

Waaxyaha xukuumadda Madaxweyne Biixi ee ay shacabku dareemayaan in madaxweynuhu masuuliyiintii hore dib ugu magacaabo ama uu kuwo cusub u magacaabo waxa ka mid ah badhasaabada gobalada dalka oo ah wakiilada madaxweynaha ee goballada, kaalin weyna ku leh maamul daadajinta iyo nidaamka dawladnimo.

 

 

Inkastoo ay badhasaabadii hore xilka weli sii hayaan haddana waxa iska cadaan ah in mudada kala guurka ay masuuliyiinta xilka sii hayaa ka daahaan shaqada qaranka iyagoo ugu yaraan olole ugu jira in dib loogu soo magacaabo xilkaas ama in maadaama oo ay isu arkaan ku meelgaadh aanay shaqadu sidii la rabay u socon.

 

 

 

Meelaha labaad ee laga dareemi karo qabyo waa agaasimeyaasha guud oo inkastoo laga yaabo in madaxweynuhu go’aansaday inaanu mar xilka ka wada qaadin wasiiradii iyo agaasimayaashii haddana ay muhiim tahay in la helo masuuliyiin og inay kursiga ku neggi yihiin oo si gacan furan waajibaadkooda shaqo u guta.

 

 

 

Waxaa iyaduna weli qabyo ah oo ay dad badani dareemayaan in madaxweynuhu la dib dhacay, sharciyeynta hay’adaha iyo wakaaladaha madaxbannaan oo kuwo hore u sii jiray aanay baarlamanku dhammaystirin sharciyaddooda, kuwo cusubna uu madaxweyne Biixi ku soo daray, sida wakaaladda duulista iyo madaarrada. In hay’dahani aanay sharciyaddoodu dhammaystirmin waxa ay ka hor istaagaysaa in ay miisaaniyad helaan, taasna waxaa ka dhalanaysa in shaqada qaranku xannibaadi ku timaaddo.

 

 

 

Si kastaba ha ahaate, Madaxweynaha oo balan qaaday inuu 100 ka maalmood ee u horeeya soo bandhigi doono wax qabad la taaban karo oo xukuumadiisu samayso, ayaa haddii uu ku soo jiro xaaladan dhammaystir la’aanta xukuumadiisa waxa hubanti noqonaysa inuu saddexda bilood ee hore ku dhammaysan doono qabyo badan