Dhakhtar lagu xukumay in uu hooyaddii u celiyo lacagtii ay wax ku soo bartay

0
Wednesday January 03, 2018 - 13:03:49 in by salman abdi
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtar lagu xukumay in uu hooyaddii u celiyo lacagtii ay wax ku soo bartay

    Dhakhtar lagu xukumay in uu hooyaddii u celiyo lacagtii ay wax ku soo bartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhtar lagu xukumay in uu hooyaddii u celiyo lacagtii ay wax ku soo bartay

Maxkamadda sare ee Taiwan ayaa dhakhtar ku xukuntay in uu hooyadii siiyo ku dhawaad hal milyan oo doolar, maadaama oo ay soo korisay ayna ka bixisay lacagtii uu ku soo bartay dhakhtarnimada.

Hooyadan ayaa wiilkeeda ka sixiixday qandaraas 1997dii markaas oo uu 20 sano jiray, waxayna kula heshiisay in uu siin doono 60% dhaqaalaha uu helo marka uu shaqo billaabo.

Maxkamadda ayay ka dacwaysay ka dib markii uu diiday in uu bixiyo lacagtaas muddo dhawr sano ah.

Wiilka ayaa ku dooday in ay khalad tahay in carruurta la waydiisto dhaqaalihii lagu soo koriyay, balse maxkamadda ayaa xukuntay in qandaraaskaasi uu sax yahay

Waxaana lagu amray in uu lacagta iska bixiyo walibana dul saar ugu daro hooyadii.

"Qaadidda masuuliyadda"

Hooyadan oo magaceeda lagu soo koobay Luo ayaa korsatay labo wiil oo ay dhashay ka dib markii uu ninkeedu furay.

Luo ayaa sheegtay in ay boqolaal kun oo doolar ka bixisay labadeeda wiilba si ay u noqdaan dhakhaatiir ilkaha ku takhasusay, laakiin way walwashay oo waxay ula muuqatay in aysan daryeeli doonin marka ay duqawdo.

Markaas ayay labadeedii wiilba ka sixiixatay qandaraas dhigaya in ay siin doonaan 1.7 milyan oo doolar oo ay waxbarashada kaga bixisay.

Wiilkii waynaa ayaa hooyadii kala heshiiyay qandaraaskii, lacag yar ayuuna siiyay sida ay ku warrantay warbaahinta guduha.

Sikastaba ha ahaatee wiilka yar oo magaciisa Chu oo kali ah lagu soo koobay ayaa ku dooday in uu aad u yaraa markii uu qandaraaskaas sixiixay, isla markaasna ay tahay in aan waxba laga soo qaadin qandaraaskaas.

Chu ayaa sidoo kale ku dooday in markii uu qalin jabiyay uu hooyadii ilkaha ka daweeyay sannado badan ayna kaga baxday in kabadan lacagta ay hadda maxkamaddu ku xukuntay in uu hooyadii siiyo.

Afhayeen u hadlay maxkamadda sare ayaa BBC-da u sheegay in garsooreyaashu ay go'aankooda ku fariisiyeen in uu wiilku qaangaar ahaa isla markaasna aan lagu qasbin sixiixidda qandaraaska, sidaas daraadeedna uu sharci yahay.

Sharciga madaniga ah ee Taiwan wuxuu dhigayaa in carruurta qaangaarka ah ay caawiyaan waalidkood marka ay duqoobaan, inkastoo waalidka badankood aysan maxkamadaha ka dacwaynin carruurta haddii ay doorkooda ka soo bixiwaayaan, sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC Cindy Sui.

Weriyaheennu wuxuu intaas ku sii daray in dacwaddani ay tahay mid aan caadi ahayn maada oo ay la xiriirto qandaraas ay kala sixiixdeen waalid iyo ilmihiisii.