Qaxooti mar kale Dib Ugu Laabanaya Xeryaha Dalka Kenya

0
Thursday January 04, 2018 - 09:56:36 in by salman abdi
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxooti mar kale Dib Ugu Laabanaya Xeryaha Dalka Kenya

    Qaxooti mar kale Dib Ugu Laabanaya Xeryaha Dalka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaxooti mar kale Dib Ugu Laabanaya Xeryaha Dalka Kenya

Qaar ka mid ah Qaxootigii ka soo laabtay xeryaha dalka Kenya, soona gaaray gudaha dalka ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan Xeryaha Dhadhaab oo markii hore ay ka yimaadeen, kadib markii ay sheegeen in ay la kulmeen dhibaatoioyin kala duwan.

Hada weli waxaa xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya ka socda soo daad gureynta dadka dalbanaya in si iskooda ah ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo, labadii Todobaadba mar Diyaarad ayaa soo qaada dad Qaxooti ah.

Qaxootiga dib ugu laabanaya Xeryaha Kenya ayaa sheegay sababta in ay tahay in aysan ammaan ku helin gudaha Soomaaliya, oo markii horeba ay amni daro uga carareen, iyaga oo tilmaamay in ay saameeyeen Qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho, tan iyo soo laabashadooda.

"Waxaan ahay Hooyo bishii April 2016 ka timid xeryaha Dhadhaab, Magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Zoobe ayaan deganaa, waxaan cabsi iyo naxdin ka qaaday Qaraxii Zoobe, kaasi oo ay ka badbaadeen caruurteyda, waxaan garowsaday inaan dib ugu soo laabto xeryaha Qaxootiga.” Ayay tiri Maamo ka mid ah dadka dib ugu laabtay Kenya.

Masuuliyiinta Hay’adda Qaxootiga Aduunka ayaa weli ka walaacsan in Qaxootiga oo dhan aysan xilligan dib ugu laaban karin Soomaaliya, balse ay iyagu ka taageerayaan qoysaska doonaya in ay dalkooda ku laabtaan, waxayna Dowladaha martigeliya Qaxootiga Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay sii martigeliyaan ilaa Soomaaliya ay diyaar ka noqoneyso.