Trump Bannon maskaxdiisu siwanaagsan uma fadhido

0
Thursday January 04, 2018 - 09:56:36 in by salman abdi
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Bannon maskaxdiisu siwanaagsan uma fadhido

    Trump Bannon maskaxdiisu siwanaagsan uma fadhido

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump Bannon maskaxdiisu siwanaagsan uma fadhido

Kaaliyihii hore ee Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo Steve Bannon "maskaxdiisu ma fadhido" ka dib markii uu waayay shaqadiisii Aqalka Cad, sida waxaa yiri madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Madaxweynaha ayaa iska fogeeyay Bannon ka dib markii buug cusub oo uu qoray laga soo xigtay in kulankii wiilka Trump uu la yeeshay Ruushka uu u arko khayaano qaran.

Ruushka ayaa kulankaas markii uu dhammaaday bishii Juunyo ee 2016kii Donald Trump Jr ku wareejiyay xog dhaawacaysa Hillary Clinton.

Hadalka Bannon ayaa ka soo muuqday buug cusub oo uu ka qoray Michael Wolff oo saxafi ah.

"Majiraan wax ka dhexeeya aniga iyo Steve Bannon iyo madaxweynenimadayda toona, markii shaqada laga eryayna, shaqada oo kali ah ma uusan waayin ee maskaxdiisana dhaawac baa gaaray, Trump ayaa sidaa ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Arbacadii.

"Steve wuxuu ahaa shaqaale ii shaqeeyay markii aan 17 ruux magacaabidda kaga soo guulaystay, wuxuuna badanaa nagu tilmaami jiray qaybtii ugu wanaagsanayd ee xisbiga Jamhuurigu uu abid yeesho" isaga oo hadalka sii watana wuxuu intaas ku daray

Maadaama oo uu hadda kaligii yahay, Steve wuxuu baranayaa in guulaysashadu aysan u sahlanayn sidii aan u ekaysiiyay. Steve kaalin aad u yar buu kulaa guushii taariikhiga ahaa ee aan gaarnay, taas oo ay keeneen ragga iyo dumarka la iloobay ee dalkan.

Bannon oo horay u soo noqday madaxii istaraatiijiyadda ee madaxweynaha ayaa loo arkaa in uu kaalin laxaad leh ka qaatay in Trump madaxweynenimada ku guulaysto uuna ka caawiyay qaabaynta fariintii uu ol'olaha doorashada ku galay ee ahayd "Maraykanka ayaan waxwalba ka hormarinaynaa" ka hor intii uusan jagadaas banaynin bishii Agoosto.