Dawlada Somaliland Oo Dalka Canad U Diraysa Wefti Hay'adda ICAO Kala Soo Hadla Maamulka Hawada Iyo Tirada Waftida.

0
Thursday January 04, 2018 - 13:06:38 in by salman abdi
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliland Oo Dalka Canad U Diraysa Wefti Hay'adda ICAO Kala Soo Hadla Maamulka Hawada Iyo Tirada Waftida.

    Dawlada Somaliland Oo Dalka Canad U Diraysa Wefti Hay'adda ICAO Kala Soo Hadla Maamulka Hawada Iyo Tirada Waftida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Somaliland Oo Dalka Canad U Diraysa Wefti Hay'adda ICAO Kala Soo Hadla Maamulka Hawada Iyo Tirada Waftida. Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay dalka Kanada u dirayso wefti kulan la soo yeesha hay’adda ICAO ee hawada ku wareejisay dalka Somaliya.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramayWargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Somaliya, ee Gobolka Sanaag yimid, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo uu sheegay in qorshihii hore la bedelayo iyo dhulkii Raasiga Dekadda Berbera ee uu Madaxweynuhu joojiyey, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Wasiirka Qorsheynta Somaliya ee dalka yimid "Wasiirka Qorsheynta Somaliya, waanu la soconaa inuu yimid Badhan, balse wuxuu sameeyey xad gudub, wuxuu ka soo talaabay xadkii caalamiga ahaa, ee u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya, arinkaasina waa gardaro badheedh ah, waxaanu keenayaa isku dhac, waxaana uga digaynaa isaga iyo cidii kale ee xadka ka soo talawdaba, inay ka waantoobaan arimahaas keenaya isku dhaca, Caalamkana waxaanu uga dacwoonaynaa gardardaas badheedhka ah, Somaliland xadkeeda xaq bay u leedahay inay daafacado.


 

 

 

 

Mar aanu wax ka weydiinay halkay ku dambaysay Maamulkii Hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey iyo cabashadii ay Caalamka u gudbiyeen ayaa ku jawaabay "Insha allaah waxaanu tagaynaa Kanada, oo bishan guddaheeda ayaanu tagaynaa, oo waxaanu la fadhiisaynaa Hay’adda ICAO, oo saldhigeedu yahay Kanada, waxaanu ka daba tagaynaa Maamulka Hawadeena ee la bixiyey, waanu cabanay”.


Wasiir Sacad mar aanu ka hadlaayey Qadiyada Somaliland ayaa yidhi "Kaalin muhiim ah ayey Shacabka reer Somaliland ku leeyihiin qadiyada dalkeena, meel kasta oo ay Shacabka reer Somaliland joogaan waxaanu ugu baaqaynaa in qof kasta iska xil saaro sida uu u difaaci lahaa qadiyadeena, iyo madax banaanideena, oo aynaan cidna uga habraynin”.


Mar aanu wax ka weydiinay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya iyo waxa Xukuumaddan uga meel yaala ayaa ku jawaabay "Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, wali hakad bay ku jiraan, waxaanu jecel nahay inay sida ugu dhakhsaha badan u bilawdaan, laakiin doorkan dooni mayno inay iska noqdaan sidii hore hal bacaad lagu lisay, waxyaabihii aynu ka heshiinay waxa ka mid ahaa Hawada, heshiiskii aanu ka gaadhnay Hawada wey iska baalmareen, dib ugu noqon mayno shir wixii ka soo baxa aan la ixtiraamayn shuruudaha aanu la galayno waxa ka mid ah in wixii lagu heshiiyo,inay meel maraan, inagu Somaliland ahaan diyaar ayaanu u nahay wada hadalada, laakiin shuruudaha ku xidhan wada hadaladu waxa weeye in wixii ka soo baxa in dhinac kastaaba ixtiraamo, haddii aan la ixtiraamaynina wada hadalku qiimo ma leh”.


Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Dhulka Raasiga Dekadda Berbera ee uu Madaxweynuhu amarka ku joojiyey in cid gaar ahi yeelato ayaa ku jawaabay "Madaxweynuhu markuu arinkaas ka talo qaatay, wuxuu go’aan saday go’aankaas uu soo saaray, ee uu ugu danaynaayo danta guud ee Dekadda”