Mareykanka oo Pakistan ka jaraya kaalmadii dhanka ammaanka ee uu siin jiray

0
Friday January 05, 2018 - 11:20:55 in by salman abdi
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Pakistan ka jaraya kaalmadii dhanka ammaanka ee uu siin jiray

    Mareykanka oo Pakistan ka jaraya kaalmadii dhanka ammaanka ee uu siin jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo Pakistan ka jaraya kaalmadii dhanka ammaanka ee uu siin jiray

Mareykanka ayaa dalka Pakistaan ka jaraya ku dhawaad dhammaan kaalmada dhanka ammaanka ee uu dalkaasi siiyo, waxaa uuna Pakistan ku eedeeyay in ay ku guul dareysatay in ay wax ka qabato kooxaha argagixisada ee ka hawlgala dalkeeda.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay xayiraaddaasi sii jiri doonto ilaa iyo inta xukuumadda Islamabad ay tallaabo ka qaadeyso kooxaha Haqqani iyo Taalibaanka Afqaanistaan.

Kal hore Todobaad ayaa madaxweyne Trump waxa uu Pakisttan ku eedeeyay in ay khiyaaneyso dalkiisa ilsa markaana ay ka qaadaneyso balaayiin doolar oo kaalma ah.

Muranka u dhaxeeya Mareykanka iyo Pakistan oo muddo dheer xulufo ahaa ayaa hadda gaaray meel xasaasi ah waxaana hadda ay u muuqdaan kuwo dhabarka isu jeedinaya.

Xukuumadda Islamabad ayaa eedeynta madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aan la qaadan karin isla markaana la isaga indha tirayo tobaneeyadii sano ee Pakistan ay nafteeda u hurtay Mareykanka.

Mowqifka Mareykanka uu ka qaatay Pakistan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay waddamada India iyo Afqaanistaan, balse Shiinaha oo tobanaan bilyan oo doolar ku maalgashanaya dalkaasi Pakistan ayaa ku gacan seyray.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa durbaba hakiyay kaalmo milatari oo uu Pakistan siin lahaa oo ka badan 255 milyan oo doolar.

Haweeney Afhayeen u ah waaxda arrimaha dibedda Mareykanka oo go’aankaasi shaacisay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay tixgelisay dhibaatada ay geysanayaan kooxda Taalibaanka Afqaanistaan iyo shabakadda Haqqaani, kuwaasi oo ay sheegtay in ay xasillooni darro ka abuurayaan gobolka isla markaana ay bartilmaameedsanayaan ciidamada Mareykanka.