Tirada qasaaraha ka dhashay Shil tareen oo korortay

0
Friday January 05, 2018 - 11:20:55 in by salman abdi
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada qasaaraha ka dhashay Shil tareen oo korortay

    Tirada qasaaraha ka dhashay Shil tareen oo korortay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada qasaaraha ka dhashay Shil tareen oo korortay

Tareen ay saarnaayeen dad rakaab ah ayaa waxaa qabsaday dab dalka Koonfur Afrika ka dib markii uu tareenka ku dhacay gaari weyn oo kuwa xamuulka ah.

Waxaa ku dhintay shilkan 14 qof waxaana ku dhaawacmay 268 qof, warkani waxaa xaqiijiyay kooxaha wax badbaadiya.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa in xitaa muuqaalkooda la garan kari waayay oo ay gubteen.

Muuqaalo internetka lagu baahiyay ayaa muujinaya dab ka kacaya tareenka qaybo ka mid ah iyo gaari xamuulka ah oo rogmaday.

Waxaa sidoo kale muuqaalkan ka muuqda rakaabka badbaaday oo alaabtooda la dhinac taagan wadada.

Dad rakaabka ka mid ah ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah uu ka joogsan kari waayay halkii ay ahayd inuu istaago ka dibna uu shilkan dhacay.

Tareenka waxaa saarnaa rakaabta tiradooda lagu sheegay 430 qof.

Darawalkii tareenka ayaa damcay inuu baxsado balse booliska ayaa soo qabtay oo hadda gacanta ku haya.

Kooxaha adeega degdega ah ayaa agoobta gaaray, kuwaasoo la tacaalay inay damiyaan dabkii kacay tareenka iyo gaari kale ee ku dhacay.

Tareenka ayaa ka safray magaalada xeebta ah ee Port Elizabeth waxuuna ku socday magaalada Johannesburg

Wararku waxay sheegayaan in tirada dadka dhintay ay badan karto. Waxaana jira dadaal la doonayo in tareenka burburay laga hoos baaro inay dad ku jiraan