Aadan Bare Ducaale oo ka hadlay xiisada ka taagan derbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka Soomaaliya

0
Saturday January 06, 2018 - 10:43:58 in by salman abdi
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aadan Bare Ducaale oo ka hadlay xiisada ka taagan derbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka Soomaaliya

    Aadan Bare Ducaale oo ka hadlay xiisada ka taagan derbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aadan Bare Ducaale oo ka hadlay xiisada ka taagan derbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka Soomaaliya

Aaden Barre Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku qasbeen dhismaha Derbiga Ururka Al-shabaab.

Mr Ducaale ayaa intaa ku daray in Wasiirka arimaha gudahaSoomaaliya uu booqday sida uu hadalka u dhigay halka Derbiga laga dhisayo, islamarkana uu soo ogaaday ayuu yiri wararka been abuurka ah.

‘’Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa booqday halka Derbiga laga dhisayo, wuuna soo ogaaday wararka aan jirin ee laga faafinayo Aniga ayaa ka dhageystay isaga oo ka hadlay VOA ‘’ ayuu yiri Aadan Bare Ducaale.

Wuxuu sheegay in dowladda Kenya marnaba u socon in ay dhul dowlad kale qaadato, isaga oo sheegay in Kenya ay leedahay dhul balaaran oo ku filan.

Waxaa uu sheegay hadii laga adkaado Al-Shabaab, ama la ciribtiro, in dowladda Kenya ay joojin doonto derbiga laakiin ay sii waddi doonto tan iyo inta ay dhibaatada ka taagan tahay Soomaaliya.