Golaha Amaanka oo ka arinsanaya xaalka dalka Iiraan

0
Saturday January 06, 2018 - 10:43:58 in by salman abdi
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Amaanka oo ka arinsanaya xaalka dalka Iiraan

    Golaha Amaanka oo ka arinsanaya xaalka dalka Iiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Amaanka oo ka arinsanaya xaalka dalka Iiraan

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka shiraya xiisada ka taagan dalka Iiraan.

Waxaana kulanka codsatay Dowladda Maraykanka si looga xaajooda xaalada Iiraan ka taagan.

Dowladda Ruushka ayaa iyadu Maraykanka ku eedaynaysaa in uu hurinayo xaalka Iiraan ka taagan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa Maraykanka ku tilmaamay inay faraha la galayaan siyaasada dalka Iiraan.

Ruushka ayaa sheegaya in Maraykanka uu qiil uga dhiganayo Iiraan walaac uu sheegay inuu ka qabo xuquuqul insaanka.

Donald Trump ayaa taageero u muujiyay dibadbaxayaasha ku banaanbaxaya Dowladda Iiraan ee ka soo horjeeda.

Kumanaan qof ayaa magaalooyinka Iiraan isu soo baxay dariiqyada isla markaasina doonaya isbadal.

Waxaana lagu tilmaamay isusoobaxyadan dhacaya dibadbaxyadii ugu balaarnaa ee dhaca ilaa sanadkii 2009-kii.

Banaanbaxii ugu horeeyey waxa uu ka dhacay magaaladda Mashhad oo ah caasimada labaad ee Iiraan.

Maalmo ka dibna dibadbaxyadu waxay ku fideen magaalooyin dhowr ah oo dalkaasi ku yaalla.

Madaxa ciidamada amniga ee Iiraan ayaa maalmo ka hor sheegay in laga adkaaday dibadbaxayaashii