Booliska Kenya oo Howlgallo ka wadda Xadka Baled-Xaawo iyo Mandera

0
Saturday January 06, 2018 - 10:43:58 in by salman abdi
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Kenya oo Howlgallo ka wadda Xadka Baled-Xaawo iyo Mandera

    Booliska Kenya oo Howlgallo ka wadda Xadka Baled-Xaawo iyo Mandera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Kenya oo Howlgallo ka wadda Xadka Baled-Xaawo iyo Mandera

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa howlgallo ka wadda Xadka ay wadaagaan degmooyinka Mandera iyo Beled-Xaawo oo ah labo degmo oo isa saaran.

Saraakiisha ciidamada Booliska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan uu socon doono, islamarkaana lagu xaqiijinaayo Ammaanka degmada Mandera.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka cabsi qabto in ay kasoo gudbaan Xadka degmada Beled-Xaawo.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka degmada Mandera ayaa in ay heleen Xoggo ku saabsan in Al-Shabaab ay ka qorsheynaayaan Weeraro ka dhan ah degmada Mandera.

Shacabka degmada Baled-Xaawo ayaa inta badan cabasho ka muujinaayay howlgallada ay dowladda Kenya ka waddo Xadka labada Degmo.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan lagu eedeeyay in ay doonayso dhul Balaarsi, islamarkaana ay qaadatay guryo badan oo soo xigay dhanka Baled-Xaawo.