Heerkulka Sydney oo gaaray meeshii ugu sarreysay tan iyo 1939

0
Sunday January 07, 2018 - 12:26:24 in by salman abdi
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heerkulka Sydney oo gaaray meeshii ugu sarreysay tan iyo 1939

    Heerkulka Sydney oo gaaray meeshii ugu sarreysay tan iyo 1939

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heerkulka Sydney oo gaaray meeshii ugu sarreysay tan iyo 1939

Magaalada Sydney ee waddanka Australia ayaa waxaa laga dareemayaa kuleylkii ugu darnaa muddo 79 sanno ah iyadoo heerkulka uu gaaray 47.3C (117F) oo ah mid aad u heer sarreeya.

Dadka ku nool deegaanka Penrith ee galbeedka Sydney ayuu dhidid qooyay jirkooda xilli kuleylku uu saameeyay maanta oo Axad ah.

Dhowr digniino oo la xiriira in dab kici kara ayaa lagu shaaciyay deegaanka Sydney oo dhan.

Heerkulka maanta oo Axad ah ayaa waxyar ka yar kuleylkii deegaankaasi ku dhuftay 1939, markaas oo heerkulku uu gaaray 47.8C.

Ciyaartoy ka qeyb qaadanaysay tartan caalami ah oo Tennis ah ayaa waxaa qasab ku noqotay inay ciyaarta soo afjaraan 10-ka subaxnimo xilliga Sydney, kaddib markii kooxaha soo qabanqaabiyay tartankaasi ay sheegeen in heerkulku uu 40C kor u dhaafay.

Qaar ka mid ah dadka magaalada Sydney oo maanta oo Axad ah isugu soo baxay xeebta BondiLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionQaar ka mid ah dadka magaalada Sydney oo maanta oo Axad ah isugu soo baxay xeebta Bondi