Dalka Brazil Oo Lagu qabatay nin lagu eedeeyay weerar ka dhacay xabsi

0
Monday January 08, 2018 - 10:04:43 in by salman abdi
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Brazil Oo Lagu qabatay nin lagu eedeeyay weerar ka dhacay xabsi

    Dalka Brazil Oo Lagu qabatay nin lagu eedeeyay weerar ka dhacay xabsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Brazil Oo Lagu qabatay nin lagu eedeeyay weerar ka dhacay xabsi

Booliiska dalka Brazil ayaa xiray nin madax u ah koox daroogada ka ganacsata oo lagu eedeeyay rabshadihii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay xabsiga habeenkii uu sannadka cusub curtay.

Sagaal ka mid ah maxaabiistii ayaa dhintay 14 ruux oo kalana way ku dhaawacmeen intii ay degenaansho la'aantu ka jirtay xabsiga ku yaalla bartamaha gobolga Goias.

Stephan de Souza Vieira oo 34 jir ah ayaa laga qabtay guri ay dadka ladan dagaan oo ku yaalla Rio de Janeiro.

Dhuumaalaysi ayuuna ku jiray tan iyo markii uu xabsiga ka baxsaday bishii Nofeembar.

Qaar ka mid ah maxaabiistii baxsaday ayaa dib loo qabtayLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionQaar ka mid ah maxaabiistii baxsaday ayaa dib loo qabtay

Wuxuu hogaamiye u yahay kooxda Red Command ee burcadda ah kuwaas oo ganacsi daroogo ka wada Brazil.

Vieira oo sidoo kale loo yaqaanno BH ayaa ku xukunnaa 26 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dabmiyo la xiriira ka ganacsi daroogo, wuxuuna ka baxsaday xabsiga Aparecida de Goiania.

Booliisku waxay sheegeen in uu dusha ka maamulayay burcadda xabsiga ku jirta, uuna koox hubaysan ku amray in ay rabshado billaabaan.

Burcaddaas ayaana weeraray koox kale oo ay is hayeen oo ku xirnayd qayb kale oo xabsiga ka mid ah.