Saddex iyo labaatan ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay Suuriya

0
Monday January 08, 2018 - 10:04:43 in by salman abdi
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex iyo labaatan ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay Suuriya

    Saddex iyo labaatan ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex iyo labaatan ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay Suuriya

Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa waxay sheegayaan in qarax dhacay deegaanka gobolka Idilib ay ku dhinteen 23 ruux.

Qaraxan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Magaaladda Waqooyiga ku taala ee Idlib oo ay haystaan mucaaradka dowladda la dagaalama.

Toddobo ruux oo ka mid ah dadka dhintay waxaa la rumaysan yahay in ay shacab ahaayeen.

Lama hubo sababta qaraxan dhalisay balse urur xuquuqul insaanka u dooda oo London degan ayaa sheegaya in bartilmaameedku uu ahaa xarunta mucaaradka.

Magaaladda Idlib waxaa si weyn ugu xoogan xoogaga mucaaradka la dagaalamada Dowladda Bashar Al-asad.

Dhowaan ayay ahayd markii la duqeeyey isbitaal ku yaalla bariga Ghouta ee waqooyiga gobolka Idlib.

Dalka Suuriya mudo sanado ah waxaa ka taagnaa dagaal sokeeyeLahaanshaha sawirkaHUW EVANS PICTURE AGENCY
Image captionDalka Suuriya mudo sanado ah waxaa ka taagnaa dagaal sokeeye

Waxaa jira warar sheegaya in 125 caruur ah ay u baahan yihiin in halkaasi laga soo qaado kuwaasi oo u baahan qalliino naftooda lagu badbaadinayo.

Dowladda Suuriya ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay guulo ka soo hoyinaysay dagaalada ay kula jirto mucaaradka.

Balse weli waxaa dalkaasi ka taagan dagaalo u dhaxeeya ciidanka Dowladda Suuriya oo Ruushku uu taageerayo iyo jabhado kala duwan oo kala ujeedana ah.