Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Saaka Ku Ruqaansadey Magaalada Garoowe Iyo Deeganka Uu Hada Ku Sugan Yahay Ciidanku

0
Monday January 08, 2018 - 10:04:43 in by salman abdi
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Saaka Ku Ruqaansadey Magaalada Garoowe Iyo Deeganka Uu Hada Ku Sugan Yahay Ciidanku

    War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Hore-na Ka Bilaabay Hawlihii Xafiiskiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Hore-na Ka Bilaabay Hawlihii Xafiiskiisa.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa waxaa ay ku ruqaansadeen magaalada

Garoowe ee caasimada maamulka Puntland halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweynaha dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo .


Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa sida hada uu noo sheegay qof ku sugan deeganka waxaa uu noosheegay in tuuladda Tukaraq ee Gobalka Sool oo kastamna u ahayd Maamulka Puntland ayaa Saaka aroortii Hore ay gaadheen Ciidamo Ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliladnd


 

 

 

Sidoo kale dadka deegankaas ayaa xaqiijiyeen in in Ciidamadaasi ay deegaanka Ku suganyihiin


Sidoo kale magaalada Tukaraq ayaa waxaa ay Garowe u jirta 100 KM halka magaalada Falayr-yaale ay u jirto magaalada Garoowe 70 KM


Dhinca kale Mid kamid ah wax garadka Deegaanka oo aan oo aan isna la hadley ayaa ii sheegay Goordhawayd in ciidamada Somaliland ay Sidoo kale goordhawayd gaadheen oo ay haatan ku suganyihiin deegaanka Falayr-yaale.


Mar aanu isku daynay in aanu arintan wax ka weydiino taliska ciidamada qaranka Somaliland iyo wasaarada gashandhiga ayaanay noo suurto galin in ay naga qabtaan telefoonadooda ( Mobile )


Ugu Danbeyn arintaan ayaa imaanaysa iyadoo Madaxweynaha dawlada fadeerlka ah ee Somalia Mudane Mohamed Farmaajo uu Shalay Garowe yimid .