Qarax saaka ka dhacay Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Uu Sababay.

0
Tuesday January 09, 2018 - 09:49:05 in by salman abdi
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax saaka ka dhacay Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Uu Sababay.

    Qarax saaka ka dhacay Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Uu Sababay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax saaka ka dhacay Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho Iyo Khasaraha Uu Sababay.

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo saakay ka dhacay Waddada Warshadaha ee magalada Muqdisho, waxaana Qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxa oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro dhaawac soo gaaray ciidamada la bartilmaameedsaday.

Ma jirto faah faahin dheeraad ah oo ay ka soo saareen saraakiisha hay’addaha Amniga Qaraxan lagu ciidamada dowladda.

Dhinaca kalana ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan, hasse ahaatee Al-shabaab ayaa inta badan dusha u ridatay mas’uuliyada qaraxyada lagu bartilmaameesado ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.