Bannon oo iska casilay madaxtinimada Breitbart News

0
Wednesday January 10, 2018 - 10:18:21 in by salman abdi
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bannon oo iska casilay madaxtinimada Breitbart News

    Bannon oo iska casilay madaxtinimada Breitbart News

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bannon oo iska casilay madaxtinimada Breitbart News

Steve Bannon oo horay u soo noqday madixii istaraatiijiyadda ee Donald Trump ayaa iska casilay websiteka Breitbart News ee siyaasaddiisu raacsan tahay garabka midig, halkaas oo ah meeshii uu sumcadda ka kasbaday.

Arrintan ayaa timid iyadoo bartanka lagaga jiro caro ka dhalatay hadal la soo wariyay in uu ka sheegay wiilka madaxweyne Donald Trump.

Kulankii magaalada New York ku dhex maray Donald Trump Jr oo ah wiilka madaxweynaha iyo garyaqaanno Ruush ah ayuu Bannon ku tilmaamay "khayaanno qaran".

Kulankaasi wuxuu dhacay intii lagu gudo jiray ol'olihii doorashada ee 2016kii.

Wuxuu ahaa mid ka mid ah kaaliyeyaashii ugu aaminaadda badnaa Trump isla markaasna muranka badan dhaliyay.

Laakiin jagadaas ayuu banneeyay xagaagii hore ka dib markii ay soo baxeen in ay jiraan isqabqabsi dhanka awoodda ah oo ka dhex jira shaqaalaha Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo.

Dadaalkiisa xigay ee uu ku garbin lahaa dadka miisaanka ku leh xisbiga Jamhuuriga ayaa fashilmay ka dib markii laga guulaystay Roy Moore oo ahaa musharraxii uu taageeray ee doorashada kursiga senate-ka gobolka Alabama, iyadoo ay guushu raacday musharraxii Dimuqraadiga, xisbigaasi ayaana taariikh cusub sameeyay maadaama oo aysan kursigaas hananin muddo rubuc qarni ah.