Tuug Paris ka xaday dahab qiimihiisu malaayiin doolar yahay
Tuug hubaysan ayaa dukaan ku yaalla hoteelka Ritz ee magaalada Paris ka dhacay dahab lagu qiyaasay malaayiin doolar.
Shan nin oo hubaysan oo wata faasas ayaa jajabiyay daaqadaha dukaanka oo ku yaalla huteelka gudahiisa sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Saddex nin ayaa la qabtay, sida ay booliisku sheegeen balse kuwii kale ayaa wali baxsad ah.
Ma cadda in gacanta lagu dhigay dahabkii la dhacay oo lagu qiyaasay 3.5 milyan oo giniga istarliinka ah.
Huteelkan ay dadka ladan dagaan ee Riz ayaa ku yaalla Place Vendôme, halkaas oo ah goob taariikhi ah iyo halkii ay ka alkumantay magaalada. Waxaana ku dhagan wasaaradda caddaaladda.
Huteelka waxaa ku yaalla shan dukaan iyo goobo kaleeto oo lagu iibiyo dahabka, saacadaha iyo dharka qaaiga ah.
Tuug Paris ka xaday dahab qiimihiisu malaayiin doolar yahay
Tuug Paris ka xaday dahab qiimihiisu malaayiin doolar yahay