Qaxooti kasoo qaxay Cameroon oo gaaray Neejeeriya

0
Friday January 12, 2018 - 10:29:09 in by salman abdi
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxooti kasoo qaxay Cameroon oo gaaray Neejeeriya

    Qaxooti kasoo qaxay Cameroon oo gaaray Neejeeriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaxooti kasoo qaxay Cameroon oo gaaray Neejeeriya

In ka badan 15,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka soo qaxay waddanka Cameroon ayaa tan iyo bishii Nofeembar waxa ay gaareen waddanka Nigeria, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo mas'uuliyiinta Nigeria.

Sanadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii iskudhacyo u dhaxeeya dowladda ay ku xooggan yihiin dadka ku hadla Af Faransiiska iyo dibadbaxayaal ka soo jeeda gobollada loogaga hadlo Afka Ingiriirsiga.

Qaxooti kasoo qulqulaya waddanka Cameroon ayaa maalin kasta soo gaaraya dalka Nigeria, gaar ahaan magaalooyinka ku dhawdhaw xuduuda sida uu sheegay afhayeenka hay'adda Qaramada Midoobay.

Dadka haatan soo gaaray Nigeria waxaa u badan dumar iyo caruur , kuwaasi oo intooda badan ah kuwa ku hadla Af Ingiriisiga.

In ka badan shan iyo toban kun oo qof ayaa la diiwaan galiyay, balse qaar ayaa sugaya diiwaan galinta.

Hay'dda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku howlan sidii dowladda Nigeri ay ugu asteyn lahayd dhul laga sameeyo xerooyin oo dadkaasi soo barakacay la dejiyo.

Dadkaan ayaa kasoo cararaya tacadiyo lagu hayo bulshada ku hadasha Af Ingiriirsiga ee dalka Cameroon.

Kaddib markii dibadbaxyo looga soo hojeeday dowladda oo looga cabanayay in xukuumadda ay ka taliyaan dadka ku hadlay Af Faransiiska ay hareeyeen dalkaasi sanadkii lasoo dhaafay.

Toddobaadkii lasoo dhaafay sirdoonka Nigeria oo la shaqeynayay shaqaale ka socdya Cameroon ayaa xirtay hoggaamiyaha u ololeysa gooni-u goosadka ee dalka Cameroon , xilli uu shirk u qabnayay caasimadda Nigeria.