Maxaa ka soo bixi kara baaritaanka caafimaadka Ee Uu MArayo Madaxweyne Trump?

0
Friday January 12, 2018 - 10:29:09 in by salman abdi
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka soo bixi kara baaritaanka caafimaadka Ee Uu MArayo Madaxweyne Trump?

    Maxaa ka soo bixi kara baaritaanka caafimaadka Ee Uu MArayo Madaxweyne Trump?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa ka soo bixi kara baaritaanka caafimaadka Ee Uu MArayo Madaxweyne Trump?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa jimcada lagu sameyndoonaa baaritaaankii caafimaaad ee ugu horreeyay tan iyo markii uu madaxweynaha noqday. Hadaba maxaad ka fileysaa?

Markaa uu madaxweyne Trump tago xarunta caafimaadka Walter Reed ee Maryland, wuxuu maqli karaa war aan u fiicnayn ama mid uu jeclaado.

Marka hore midda wanaagsan.

Khamri ma cabo, weligiina ma cabin. Wuxuu sheegay in taas uu ka bartay walaalkii ka wayn Fred oo aad u cabi jiray. Wuxuu dhintay isagoo 43 jir ahaa.

Sidoo kale, Weligii sigaar ma cabin. "Waan arkaa dadka oo dhuuqaya," ayuu yiri 2015-kii. "Wax laga cabsado ayey ila tahay aniga".

Hadda, Warka aan wanaagsanayn.

Buug dhowaan laga qoray Donald Trump waxaa lagu sheegay in "afar nooc oo cunta ah uu cunnay" xilligii ololaha. Waxay kala yihiin:

  • McDonald's
  • Kentucky Fried Chicken (KFC)
  • Pizza
  • Diet Coke

Sida ku qoran buugga, oo wax uu ka qoray madixii u qaabilsanaa ololihii doorashada Corey Lewandowski, Wuxuu Trump ku casheyn jiray Labo Baagar oo waawayn, laba xabbo oo kalluun oo la fidiyay iyo caano iyo shukulaato la isku shiiday".

Madaxweyne Trump wuxuu u muuqdaa in uusan aaminsanayn in wax xad dhaaf ah uu cuno. Balse wuxuu ciyaaraa golf, baaskiilna wuu kexeeyaa.

Sida hal dhinac laga soo xigtay, madaxweyne Trump wuxuu aaminsan yahay in jirka aadanaha "uu la mid yahay beteri una baahan yahay tiro fiican oo tamar ah oo jimicsiga la isaga bixin karo".

Hadaba, war aan fiicnayn ama mid fiicanba wuu heli karaa Trump, ka dib baaritaanka.

 

Caafimaadka Donald Trump

71

Sano ayuu jiraa

  • 6ft 3inDhererkiisa

  • 236lbsCuleyskiisa

  • 29.5Cabirka jirka BMI (Wuu "cayilan yahay")

  • 15 - 20lbsWaa culeyskii uu rabay in uu iska dhimo, sida uu sheegay 2016kii

Warbixintii caafimaadka Donald Trump 2016kii iyo Wareysi lala yeeshay Dr Oz
Win McNamee/Getty Images

Bishii Sebtembar ee 2016kii, laba bilood ka hor doorashadii Mareykanka, wuxuu baahiyay liiska xaaladdiisa caafimaadka.

Kalastoroolkiisa wuxuu ahaa 169 - Waxkastoo ka hooseeya 200 "waa mid fiican" - Balse kalastoroolkiisa "fiican" ama "xun" sidoo kale waa caafimaad.

Cabirka dhiigga Trump (116/70) waa meel wanaagsan, beerkiisa iyo qanjiradiisa si caadi ah ayey u shaqeynayaan, sidoo kale baaritaankii ugu dambeeyay ee Walamadkiisa dhib ma uusan sheegin.

Sida uu qoray dhaqtarkiisa muddada dheer daweynayay, Harold Bornstein, "Mr Trump jismi ahaan aad ayuu u caafimaad qabaa."

Laakiin Sara Kayat oo ah dhaqtar deggan London waxay rumeysan tahay in Mr Trump uu fursad yar haysto. Sida uu wax u cuno "aad ayey u xun tahay", ayey tiri.

"Wuxuu cunaa oo keliya raashiin ay xeyrta ku badan tahay, ama cusabada ku badan tahay, mana la filayo in uu cuno khudaar. Wuxuu aad u liqliqaa cunnooyiinka kale.

"Cunidda khudaar yar iyo qaadashada raashiin xeyrta ay ku badan tahay, waxay u badan tahay in ay sababaan wadna xannuun, kansar iyo cudurka macaanka."

Dr Sara KayatLahaanshaha sawirkaSARA KAYAT
Image captionDr Sara Kayat

Mr Trump wuxuu ka faa'iday in uusan sigaar dhuuqin ama khamri cabin, ayey tiri Dr Kayat. Balse jimicsiga waa muhiim.

"Dabcan, aalkolada iyo sigaarka waxay sababaan xaalado caafimaad darro oo aad u badan," ayey hadalkeeda raacisay.

Donald Trump oo sugaya cunto, waxaa sawirkan laga qaaday xilligii ololaha doorashadaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDonald Trump oo sugaya cunto, waxaa sawirkan laga qaaday xilligii ololaha doorashada

Inkastoo caafimaadkiisa dhanka maskaxda ay su'aal ka taagan tahay, hadaba baaritaanka Jimcaha qeyb kama aha arrintaasi.

"Maankiisa aad ayuu u fiican yahay," ayuu yiri afhayeen u hadlay. Madaxweynaha oo farriin ku qoray Twitterka ayaa isku tilmaamay "qof daacad ah oo aad u fayow".

Madaxweyne Trump qasab kuma aha in natiijada caafimaadkiisa uu shaaciyo, balse afhayeenkiisa wuxuu sheegay in dakhtarka Aqalka Cad, Ronny Jackson, uu akhrin doono wixii soo baxa.