Dhibaatada Ka Dhalan Karta Shaqaalihi Madaxtooyada Somaliland Laga Caydhiyey

0
Saturday January 13, 2018 - 10:14:01 in by
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatada Ka Dhalan Karta Shaqaalihi Madaxtooyada Somaliland Laga Caydhiyey

    Dhibaatada Ka Dhalan Karta Shaqaalihi Madaxtooyada Somaliland Laga Caydhiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhibaatada Ka Dhalan Karta Shaqaalihi Madaxtooyada Somaliland Laga Caydhiyey
madaxtooyada somaliland oo sifo sharci daro ah looga caydhiyay shaqaale dhalinyaro ubadan iyo madaxweynaha oo horseeaday shaqa la,aantii dhalinyarada Haysey.

Shaqaale ubadan dhalinyaro ayaa laga caydhiyay shaqadii ay ka hayeen madaxtooyada somaliland taas oo qaarkood sida ay sheegeen Qorsheysteen inay ka baxaan Dalka(tahriibaan),

sifada shaqada looga caydhiyay shaqaalahani oo ahayd mid baalmarsan hanaanka dawladnimo ayaa waxa shaqada laga joojiyay in kabadan 109 shaqaale ah oo ubadan dhalinyarada sida joogtada uga shaqayn jiray shaqada ay ka hayan madaxtoyada,
waxaana sidoo kale shaqada loo daayay shaqaale badan oo caaglayaal ah kuwaas oo badan koodu ay dalka ka maqan yihiin qaarkoodna ay kusugan yihiin hargeysa balse aan shaqayn,]

Hayada shaqada iyo shaqaalaha somaliland ayaa dhawaan shaacisay inay tiro koob kusamayn doonto shaqaalaha dawlada kaas oo ah madaxtaabasho lagana yaabo inay horseedo inay soo baxaan boqolaal caaglayaal ah oo shaqaale dawladeed qoran,

waxaana arintaasi ay horseedi doontaa inay fursado shaqale helaan dhalinayaro badan, balse intaan la gaadhin tirkoobka ayay madaxtooyada somaliland ka bilaabantay arin taasi ka duwan oo ku aadan in hadh cad loo badheedho shaqaale badan oo si joogta ushaqayn jiray inay shaqada ka tagaan,

shaqaale badan ee shaqada laga joojiyay oo qaarkood sanado badan ka shaqaynayay madaxtooyada somaliland ayaan lasiin wax xuquuq ah, loona eegin shaqo wanaagooda balse lagu soo xulay hanaan baalmarsan sifada shaqada looga eryo shaqada oo ku aadan cunfi qabyaaladaysan iyo xaasidnimo qofeed oo ay horseed ka tahay agaasimada madaxtooyada somaliland khadra xaaji geydh oo iyadu qofkasta oo ay waji diidantahayba shaqada ka eriday.
Aqooyahan maxamed Bille ayaa sidoo kale lagu eedaynayaa inuu shaqo la,aanta uhorseeday dhalintaasi shaqada laga caydhiyay,
arintani shaqada laga joojiyay shaqaalaha ubadan dhalinyarada ayaa hog madow ku riday rajadii ay ku han weynaayeen dhalinayaro badan oo kabaxay jaamacada Dalka inay shaqo ka helaan Dawlada maadaama kuwii horey usoo shaqeeyayba bilaa xuquuq lagu eryay.
waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in qaar badan oo kamida dhalinyarada shaqada laga caydhiyay ay ka baxaan dalka iyagoo utahriibaya wadamada shisheeye si ay shaqo uga helaan.
si kastaba ha ahaatee bulshada somaliland ayaa siweyn uga biyo diiday shaqo joojinta lagu sameeyay dhalinyaradaasi sida jogtada ah ugu shaqaynayay Dawlada iyo Dalka.