Kharash Intee Leeg Ayaa Dawladda Maraykanka Kaga Baxa Dagaalka Ay Kula Jirto Argagixisada Iyo Tirada Dalalka Uu Ka Socdo

0
Saturday January 13, 2018 - 10:51:25 in by salman abdi
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kharash Intee Leeg Ayaa Dawladda Maraykanka Kaga Baxa Dagaalka Ay Kula Jirto Argagixisada Iyo Tirada Dalalka Uu Ka Socdo

    Kharash Intee Leeg Ayaa Dawladda Maraykanka Kaga Baxa Dagaalka Ay Kula Jirto Argagixisada Iyo Tirada Dalalka Uu Ka Socdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kharash Intee Leeg Ayaa Dawladda Maraykanka Kaga Baxa Dagaalka Ay Kula Jirto Argagixisada Iyo Tirada Dalalka Uu Ka Socdo

Dawladda Maraykanku waxay dagaal kula jirtaa Ururada argagixisada ah tan iyo sanadkii 2001dii ilaa haatan, dagaalkaasi ayaa ku kala baahasan 76 dal waxaanu noqday kharashkii Dawladda Maraykanka ka baxay tan iyo xilligaasi ay bilawday dagaalkaasi ilaa iyo hadda 6.5 Trillion oo Dollar, waxaana arrintaasi lagu cadeeyay deraasad la soo bandhigay toddobaadkan.

Lieutenant Col. Robert Glover, director of the Al Qaim regional Civil-Military Operations Center, counts out the money in a condolence payment to an Iraqi citizen whose home was damaged in a mortar attack. The CMOC is a function of 6th Civil Affairs Group in Husaybah, Iraq.

Deraasaddan oo ay soo bandhigeen Koox ka tirsan Machadka Watson Institute for International Affairs ee Dalkaasi Maraykanka ee arrimaha Xidhiidhka caalamiga ah ayaa waxa baahisay Majalada The National ee ka soo baxda Dalkaasi oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, deraasadaasi ayaa lagu cadeeyey kharashka Dawladda Maraykanku ku bixinayso la dagaalanka argagixisada ay ku sii qaadayso Danta guud ee Dalkaasi Maraykanka qiime dhan 8 Trillion tan iyo sanadka 2050ka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay Dawladda Maraykanku ku bixisay la dagaalanka Argagixisada ee Dalalka Bariga dhexe oo kaliya lacag dhan 7 Trillion oo Dollar.

Sidoo kale daraasadan ayaa cadaysay in tirada Dalalka ay ka taaganyihiin amase ay ka jiraan Ururada lagu tilmaamo aragagixisada ay tiradoodu dhan tahay 76 Dal, tiradaasi ayaa waxay ka dhigantahay in 39% Dalalka ka jira Caalamka ay ka dhisanyihiin ururdaasi.Dagaalkaasi lagu la jiro Ururada lagu tilmaamo aragagixisada ayaa waxay sababeen in Magaalooyin dhisnaa ay Dambaska noqdaan sida ay deraasaddani sheegayso isla markaana ay dad aad u tiro badan barakacaan.Dagaalka ka dhan ka ah Argagixisada ee Dawladda Maraykanku ay ka wado Dalka Afganistaan ayaa ah Dagaalkii ugu dheeraa uguna badnaa ee ay Dawladda Maraykanku gasho waana arrinta ay deraasaddaasi cadaysay