Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ururada Bulshada Rayidka Ah Iyo Qaybo Ka Mida Ururada Xirfadlayaasha

0
Monday January 15, 2018 - 14:38:36 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ururada Bulshada Rayidka Ah Iyo Qaybo Ka Mida Ururada Xirfadlayaasha

    Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ururada Bulshada Rayidka Ah Iyo Qaybo Ka Mida Ururada Xirfadlayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ururada Bulshada Rayidka Ah Iyo Qaybo Ka Mida Ururada Xirfadlayaasha

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu waheliyo Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta 15/01/2017 qasriga Madaxtooyada shir muhiima kula yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland.

Kulankan, waxa lagu lafa guray sidii Ururada Bulshada rayidka ah iyo ururada xifadlayaashu ay u xoojin lahaayeen wada shaqaynta ayla leeyihiin xukuumadda, isla markaana si wada jira loo taabo-galin lahaa hiigsiga iyo himilooyinka xukuumadda, sidii loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka foodda inagu soo haya ee Golaha wakiilada iyo Goleyaasha deegaanka, dhiiri galinta ganacsatada gaar ahaan qaybaha gaarka loo leeyahay (Private sector) sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dalka. iyo in la xoojiyo wada shaqaynta xukuumadda iyo saxaafadda dalka,

Ururada Bulshada rayidka ah iyo ururada xirfadlayaashu waxay dhankooda muujiyeen dareenkooda ku aadan inay diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan ka midha dhalinta qorsheyaasha horumarineed ee xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Gebegebadii shirka Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhankiisa soo dhaweeyey kulanka, isagoo ku ammaanay Ururadda Bulshada Rayidka ah doorka ay ka qaataan horumarka dalka, Wuxuunna Madaxwaynuhu hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta Ururada Bulshada iyo xukuumadda, dhankiisa uu diyaar u yahay inuu wax badan ka qabto tallo bixintaasi ay ugu yimaadeen ururada bulshadu

Kulanka Madaxweynaha iyo Ururada Bulshada

Image may contain: 5 people, suit
Image may contain: 3 people, people sitting and indoor
Image may contain: 2 people, suit
Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting
Image may contain: 1 person, sitting, table, living room and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: 2 people, people sitting and indoor