Tababare Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Haddii Gool Dhaliyaha Kooxdiisa Ee Zlatan Ibrahimovic Uu Ka Baxi Doono Old Traffrod.

0
Monday January 15, 2018 - 19:37:39 in by salman abdi
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Haddii Gool Dhaliyaha Kooxdiisa Ee Zlatan Ibrahimovic Uu Ka Baxi Doono Old Traffrod.

    Tababare Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Haddii Gool Dhaliyaha Kooxdiisa Ee Zlatan Ibrahimovic Uu Ka Baxi Doono Old Traffrod.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Haddii Gool Dhaliyaha Kooxdiisa Ee Zlatan Ibrahimovic Uu Ka Baxi Doono Old Traffrod.

Tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho ayaa go’aamiyay muranka ka taagan mustaqbalka weeraryahanka kooxdiisa Red Devils ee Zlatan Ibrahimovic. Jose Mourinho ayaa hoos u dhigay wararkii sheegayay in xidiga ree Sweden uu ka baxayo Old Trafford.

Sida ay daabaceen wargeysyada caalamka gaar ahaan kuwa gudaha dalka England, Zlatan Ibrahimovic ayaa suuragal ah in dhamaadka xili ciyaareedkan uu isaga dhaqaaqi karo garoonka Old Trafford, waxaana lala xidhiidhinayaa saxiixiisa kooxo fara badan ee banaanka ka ah horyaalka Premier League-ga.

Balse Jose Mourinho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu weli Zlatan Ibrahimovic door muhiim ah kaga jiro qorshihiisa garoonka Old Trafford, kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan inuu ka dhaqaaqayo kooxda Manchester United.

Sida laga qoray wargayska Mirror, Mourinho ayaa ku adkeysanaya in weeraryahanka reer Sweden uu kasoo kabsan karo dhaawacii kasoo gaadhay dhan jilibka, inkastoo uu markale maqnaan doono muddo kaloo bil ah, kadib soo laabashidiisii mudo bilooyin ah uu garoomada kaga maqnaa dhaawa daran ee kasoo gaadhay isla dhanka Jilibka ah.

Mourinho oo wax laga weydiiyay inuu walaac ka muujinayo in da’ada Zlatan ay gaadhay 36 sano jir ayaa wuxuu kaga jawaab celiyay: "Maya…waxaan macalin u soo ahaa 29 jirkiisa ee aan kuwada sugneen kooxda Inter Milan, ma awoodno inaan joojino wakhtiga”.

Macalinka kooxda Manchester United ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: "Ibrahimovic si wanaagsan ayuu kaga war qabaa, wuxuu sidoo kale ogsoon yahay in heersaro uu gaadhsiiyay qaab ciyaareedkiisa qeyb ka mid ah xirfadiisa kubada cagta xiliyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, laakiin waxa uu doonayo ayaa ah in xirfadiisa kubada cagta uu kusoo xidho kooxda Red Devils”.

Macalinka reer Portugal oo rajo wanaagsan ka muujinaya inay sidaas dhici doonto ayaa wuxuu yidhi: "Waxaan qabaa inuu sidaas sameyn karo, kaliya wuxuu u baahan yahay inuu farxad dareemo”.

Jose ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: "Zlatan Ibrahimovic wuxuu awoodaa inuu noqdo hogaamiyaha qolka labiska kooxda Manchester United iyo gudaha garoonka intaba, sababtoo ah waa xidig tayadiisu ay aad u sareyso, waxaan halkaan u jooga sida aan isagu kaga caabin lahaa xaalada aadag uu ku jiro”.