Madaxweyne Farmaajo Oo saacadaha soo socda ku wajahan Magaalad Dhuusa-Mareeb Iyo Jawiga Oo Dagan.

0
Tuesday January 16, 2018 - 09:54:35 in by salman abdi
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo saacadaha soo socda ku wajahan Magaalad Dhuusa-Mareeb Iyo Jawiga Oo Dagan.

    Madaxweyne Farmaajo Oo saacadaha soo socda ku wajahan Magaalad Dhuusa-Mareeb Iyo Jawiga Oo Dagan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo saacadaha soo socda ku wajahan Magaalad Dhuusa-Mareeb Iyo Jawiga Oo Dagan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo socdaal dhulka ah ku maraya gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, halkaasi oo loogu sameeyay Munaasabad casho sharaf ah.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagayo Dhuusa-Mareeb ayaa qeyb ka ah sidii uu uga qeyb geli lahaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ku sii qulqulayay wufuud kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Madaxweynaha iyo ka qeyb qaadashada heshiiska dhameystirka ah ee Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu daadiyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug, ciidamada ayaa xalay sameeyay howlgallo amni xaqiijin ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug waxaa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad Goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.