Nigeria oo safiirka Maraykanka su'aalo ka waydiisay hadaladii Trump ee aflagaadada ahaa

0
Tuesday January 16, 2018 - 09:54:35 in by salman abdi
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nigeria oo safiirka Maraykanka su'aalo ka waydiisay hadaladii Trump ee aflagaadada ahaa

    Nigeria oo safiirka Maraykanka su'aalo ka waydiisay hadaladii Trump ee aflagaadada ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nigeria oo safiirka Maraykanka su'aalo ka waydiisay hadaladii Trump ee aflagaadada ahaa

Dowladda Nigeria ayaa u yeertay safiirka Mareykanka si uu sharaxaad uga bixiyo hadal la sheegay in Todobaadkii aanu soo dhaafnay ka soo yeeray madaxwayne Donald Trump kaasi oo ka dhan ahaa muhaajiriinta Afrikanka.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa iyo imika 6 dal Afrikan ah ay u yeereen safiirada mareykanka islamarkana la filayo in dalal kale isla toddobaadkan ay u yeeraan safiirada mareykanka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa diiday in uu cunsuri yahay, ka dib markii uu muran ka dhashay hadal aflagaado ah oo la sheegay in uu ku tilmaamay dalalka Afrikaanka ah.

Trump ayaa la sheegay in uu hadal aan munaasab ahayn adeegsaday todobaadkii hore markaas oo uu socday kulan xafiiska madaxweynaha ka dhacay oo isbadal loogu samaynayay shuruucda dadka soo galootiga ah.

Mar sii horeysay ayuu se saxafiyiinta u sheegay "Anigu cunsuri ma ihi. Waxaana ahay qofka ugu dambeeya ee aad cunsurinimo ka warraysan doontaan.

Waana markii ugu horeysay ee madaxweynahu uu si toos ah uu uga jawaabo eedaymaha cunsurinimada ee loo soo jeediyay.