Farriimo Muwaadin oo Madaxwaynaha JSL Ku socda

0
Tuesday January 16, 2018 - 12:43:19 in by salman abdi
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriimo Muwaadin oo Madaxwaynaha JSL Ku socda

    Farriimo Muwaadin oo Madaxwaynaha JSL Ku socda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farriimo Muwaadin oo Madaxwaynaha JSL Ku socda

Waxaan ahay dadka jecel in waxa wanaagsan la taageero waxa xun ee diin ahaan iyo duuyo ahaana ina anfacayna jecel in dadka looga digo siiba madaxda aynu dooranay ama kuwa kuwa aynu dooranay inoo dooreen si umadu waxii dhaliil ah ay iskugusoo gudbiso waxii wanaaga ee ay sameeyaan madaxdooduna ay ugu duceeyaan inuu ilaahay miisaanka wanaagyada ugu daro , hadii bulshadu ay noqoto mid isku ducaysa ilaahay wuu barkeeyaa waanu hore mariyaa tusaale wanaagsan waxaa inoo ah wadamada carabta ee lama dagaanka daganaa aanay waxba ka bixin waxna ka beermin inuu ilaahay qani ka dhigay maanta loo daawasho iyo shaqo tago taasi waxay ku gaadheen markii hadalka kasoo baxba uu noqday duco iyo wanaag sidaasi darteed waxaan jeclaystay qoraal yar oo kooban in aan 12 arimood oo afarba ay dhinac isku raacayaan aan madaxwaynaha mudane Muuse Biixi Cabd ugu sheego waxaanay kal yihiin :-

Inaan madaxwaynaha Ku hambalyeeyo afar arimood oo intuu xilka qabtay si gaara usoo jiitay aniga iyo dad kaleba

  1. In sirtii khaaska ahayd ay u ilaanshantay maanta cidina ka war haynin waxaa uu maagan yahay madaxwaynuhu siiba magacaabista xilalka kala duwan iyo in saadaashii ay meesha ka baxday marar faro badan ay fashilantay xilal loo saadaaliyay cid gaara sirtaasi ilaashan ee muujinaysa hogaanka umada inuu sirtiisu aanay dibada oolin waan ku hambalyaynayaa waxaanan leeyahay  inta ay maanta joogto ha kasii adkaato oo yaanay ka dabcin.
  2. ciidamada lasoo saari jiray 5:30 aroornimo ee dhibta cadceeda iyo surmiga utaagnaan jiray saacado badan ee aad joojisay waan kugu hambalyaynayaa inaad nasisay oo aad ku qanacday inuu wadanku amaan yahay waliba waa waxaad ilaahay ajar iyo khayr kaga helayso.
  3. inaad soo celisay haykalka ay dawladnimo leedahay ee ah kala danbaynta iyadoo maanta xafiis kasta laga helaayo masuuliyiintii looga baahnaa oo aanu ama madaxtooyada joogin ama madaarka kuu raacayn sida in badan dhacday ee masuuliyiintu kolba halkuu madaxwaynuhu joogo ay la joogaan inaad maanta arinkaasi aad wax kabadashay waan kugu hambalayaynayaa haayadaha arimahaa shaqo wanaaga ku daba galaayana dad adag umagacow si ay joogto usii ahaato.
  4. in xusbigii aad kasoo xulanayso dadka kula shaqaynaaya oo aanu xusbiga iyo xukuumadu kala baydhin iyadoo aan waliba ku leeyahay kasii kordhi si xusbinimada ay usii hana qaado oo qofkastaaba xisbigiisa u aamino tacabkiisa iyo xoogiisan uu galiyo xisbiga si aanay udhicin in siyaasiyiinta maalinba xusbi ugu tagin taasina ay burburiso is aaminkii iyo waxwada lahaanshihii xusbi nimo waa waxaan kugu hambalyaynaayo madaxwayne.

(Afartaasi waan kugu hambalyaynayaa madaxwayne)

  1. Afartani waa iga talo kooban
  2. Madaxwayne waxaan kugula talinayaa in dadka talada wanaagsan aqoon ahaana dhisan aad soo urursato si waxii talaabo ah ee aad qaadayso meelo badan lagaaga eego talooyin badan aad u hesho intaadan talaabo qaadin ama xil magacaabin taasina wax adiga kuu gaara maaha waxaa Nabi Muxamed(NNKH) lagu yidhi asxaabtaad la tasho markaad go’aan  qaadatidna ilaahay talo saaro taasi waxay  ku tusaysaa in talada la badsado waliba meel kasta oo markaa aad talo ka rabto cida aqoon ahaan , khibrad ahaan iyo wanaag aad ku tuhmayso .
  3. Madaxwayne waxaan kugula talinyaa inaad cadaalada ku dadaasho siiba marka aad xilalka bixinayso dhamaan beelaha ay Somaliland ka kooban tahay mid yar iyo mid waynba loo sinaado oo aanay noqon wax marka la eego xukuumadaadu mid dhinac u raran sida wasiirada ,wasiir kuxigeenada, agaasimayaasha guud , ha’ayadaha madax banana iyo taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada Somaliland taasi waxay dhalininaysaa cadaalad iyadoo aan xil lawada deeqsiin karayn beelaha Somaliland oo markastaba ay tahay inay cid uun cabasho muujiso hadan intaad kari kartid cadaalada ku dadaal waxaana wanaagasan in aad ka fiirsatid xilkaad bixinayso inta aadan magacaabin .
  4. Madaxwayne waxaan kugula talinayaa in dhulka uu kusoo noqdo gacanta dawlada dhexe waayo waxaa waayay meel ay daaqaan xoolihii waxaa la waayay meelo dadkii lagu aaso waxaynu laanahay meel aynu marno waxaasi oo dhamina waxay udhacayaan waa markii dawaladii somaaliya dhulkii beeraha loo bixiyay aan cidiba beeran , dhul daaqsimeedkiina la ootay oo ay kaliftay in xoolaha lagu dhex laayo markay meel ay wax ka cunaan waayeen iyo iyadoo la shidayba geedihii oo dhuxul laga dhigay markaa madaxwayne si balan qaadkaadii uu u hirgalo waa inaad amartaa in lixbilood gudahood beeraha banana lagu hagaajisto laguna beerto intaa roobka ka hadhay , wixii dhul daaqsimeed ahaana loo baneeyo xoolaha waxii aan intaasi kubeeranayna laga dhigto xabaalo iyo dhul banana oo ama daaqa xoolaha noqda ama cidii beeranaysa la siiyo.
  5. Madaxwayne waxaan kugula talinayaa in aad siyaasiyiin u tobobarto Somaliland maadama oo ay Somaliland wax siyaasiya loo la higsado ay kasii dhamaanayaan waliba dhalinyarada bulshadadooda sharafta ku dhex leh dadkuna ay aaminayaan yihiin aad u tobobarto oo ay noqdaan qaar sidii lagu yaqaanay dawaladihii hore soomaaliya qaar kasoo bilaaba agaasime waaxeed , agaasime guud dabadeedna wasiir ama ku xigeen kusoo gaadha taasi waxay dawo ka noqonaysaa in qofka xil loo magacaabayaa uu yaqaano dawladnimo waxay dawo ka noqonaysaa in qofkii marxaladaasi  soo maray inuu bulshadii dib ula shaqaysan karo oo aanu noqonayn mid iskala han wayn inuu u shaqaysto reerkiisii iyo caruurtiisii waxaa kalooy dawo ka tahay in qof aan dawladnimo iyo nidaam waxba ka garanaynin inuu yimaado meel aanu wax macluumaada ka haysanin sida marar badan dhacday waxa kale oo ay dabiib unoqonaysaa dadkani siyaasiyiinta sheeganaaya ee xukuumada kasta hortaagan in ay iska nastaan ama ay noqdaan qaar taariikh wanaagsan wadankani kaga taga oo lagu soo hirto  oo tobobar fiican siiya jiilka iyaga ku xiga .