Kooxaha xuquuqda oo ugu baaqay ra'iisal wasaaraha Ingiriiska inay joojiso booqashada Amiirka Boqortooyada Sacuudiga ee UK.

0
Wednesday January 17, 2018 - 10:12:47 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha xuquuqda oo ugu baaqay ra'iisal wasaaraha Ingiriiska inay joojiso booqashada Amiirka Boqortooyada Sacuudiga ee UK.

    Dhawr ururada xuquuqda aadanaha oo isbahaystay ayaa ugu baaqeen ra'iisal wasaaraha Ingiriiska Theresa May inay ka laabato martiqaad loo fidiyay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman si uu u booqdo wadanka UK.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawr ururada xuquuqda aadanaha oo isbahaystay ayaa ugu baaqeen ra'iisal wasaaraha Ingiriiska Theresa May inay ka laabato martiqaad loo fidiyay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman si uu u booqdo wadanka UK.


Ururada isbahaystay, oo ay ka mid yihiin kooxda Ololaha ka dhanka ah Ganacsiga Hubka (CAAT) iyo Ururka Carabta ee Xuquuqda Aadanaha ee ku salaysan Boqortooyada UK (AOHR UK), ayaa warqad isniintii u diray ra'iisul-wasaaraha Ingiriiska, iyaga oo sheegay in booqashadu aysan ku jirin danaha UK iyo dadyowga ay waxyeelada kasoo gaartay maamulka Amiirka Sacuudiga.

 


"Maamulka Sucuudiga ... ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada ugu xun ee xuquuqda aadanaha aduunka. oo ay ka mid yihiin Xad-gudubka, xabsi aan sharci aheyn, iyo xadgudubyo kale oo xun oo si ballaaran loo diiwaan-galiyay, "ayaa lagu yiri warqadda.


"Waxay nagu tahay cayb hadaa nahay qaran in aan taageerno oo aan la shaqeyno kaligii taliye qalad ah oo u isticmaala hub ahaan inuu gaajo ku dila dadka masaakiimiinta , oo masuul ka ah cudurka daacuunka ee ugu xun taariikhda dunida inuu ka dilaaco Yemen," ayay raacisay.


May ayaa ku martiqaaday Boqor Salman iyo wiilkiisa bishii December in uu soo booqdo Boqortooyada Ingiriiska sannadka 2018-ka, iyada oo ay jirto dhaleeceynta caalamiga ah ee ka dhanka ah dambiyada dagaalka ee ka socda Yemen.


Wadanka Ingiriiska ayaa sidoo kale ah taageeraha ugu weyn ee dagaalka Sacuudiga ee Yemen. Xukuumada May ayaa marar badan lagu dhaleeceeyay gudaha iyo dibaddaba inay diiday in ay joojiyaan iibinta hubka Britishka ee Sacuudi Carabiya iyada oo ay sii socoto dagaalka Yemen.