Ganacsatada Qaadka Miru u soo dhoofisa Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

0
Wednesday January 17, 2018 - 10:16:45 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Qaadka Miru u soo dhoofisa Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

    Ganacsatada qaadka Miru ee dalka Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin, kadib markii beeralayda qaadka dalka Kenya ay qaali ka dhigeen qiimaha qaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada qaadka Miru ee dalka Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin, kadib markii beeralayda qaadka dalka Kenya ay qaali ka dhigeen qiimaha qaadka.

Ganacsatada oo kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxa ay sheegeen inaysan ku iibsan karin qiimaha sare ee Beeralayda Qaadka dalka Kenya ay ku doonayaan in qaadka looga iibsado.

 

100Kg ee Qaadka ah ayaa hadda Gobolka Miruu ka maraya 160,000 oo shilinka Kenya ah iyada oo mar kaliya ay ku korodhay lacag ka badan 20,000 oo Shilinka Kenya ah, taas oo sababtay in Ganacsatada ay walaac ka muujiyaan.

Wasaaradda Beeraha ee dalka Kenya ayaa waxa ay ugu baaqeen ganacsatada inay soo farageliso arintaan, illaa inta ka horeysana aysan shaqeynayn sida ganacsatada ay sheegeen.

Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay sababta qaadka qaaliga uu u noqday ay tahay roobkii oo aanan da’in waqtigiisa iyo waraabka ay helaan beeraha oo yar, waxaana soo go’ qaad yar sida ay ku doodayaan.