Kooxda Aan Jeclahay Waa Arsenal" Xidiga Laga Yaabo Inuu Qeyb Ka Noqdo Heshiiska Alexis Sanchez Ee United Oo Waligiis Jeclaa Arsenal.

0
Wednesday January 17, 2018 - 18:26:29 in by salman abdi
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Aan Jeclahay Waa Arsenal" Xidiga Laga Yaabo Inuu Qeyb Ka Noqdo Heshiiska Alexis Sanchez Ee United Oo Waligiis Jeclaa Arsenal.

    Kooxda Aan Jeclahay Waa Arsenal" Xidiga Laga Yaabo Inuu Qeyb Ka Noqdo Heshiiska Alexis Sanchez Ee United Oo Waligiis Jeclaa Arsenal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Aan Jeclahay Waa Arsenal" Xidiga Laga Yaabo Inuu Qeyb Ka Noqdo Heshiiska Alexis Sanchez Ee United Oo Waligiis Jeclaa Arsenal.

Henrikh Mkhitaryan ayaa xilli hore shaaca ka qaaday inuu yahay shaqsi aad u jecel taageerana u haya Arsenal iyadoo wararka la xiriirinaya inuu Gunners u dhaqaaqi doono ay isi soo tarayaan isla markaana la filayo xilli dhaw.

Xidigaan heerka caalami ee qaranka Armenia ayaa kusii jeeda Emirates Stadium si uu qeyb uga noqdo heshiiska uu Alexis Sanchez ku imaanayo Old Trafford.

Si kastaba rabitaan dhanka lacagaha ah ayaa wali xeyndaab u ah inuu u guuro wqooyiga London – madama wakiilkiisa Mino Riola uu doonayo in xidigaan la siiyo 180,000 kun oo Pound sidoo kalana lacago gunno ah isaga jeebka loogu shubo.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana lasoo qabtay wareysi uu xidigaan siiyay dhawr sano ka hor website-ka rasmiga ah ee xiriirka qaaradda yurub UEFA.

"Kooxda aan jeclahay waa Arsenal” ayuu yiri Henrikh Mkhitaryan sanadkii 2009 mar uu ku sugnaa koxoda FC Pyunik wareysina siinayayUEFA.com.

"Waxaan jeclahay hanaankooda weerarka iyo qaabka ay u ciyaaraan, Arsene Wenger wuxuu aad u aaminaa xidigaha da’da yar isagoo doonaya in natiijada ay isku mid ahaato. waan jeclahay taasi, waana doonayaa inaan maalin halkaas ka ciyaaro”

Shabakadda Mirror Footall ayaa daabacday xilli Henrikh Mkhitaryan la filayo inuu qeyb ka noqdo heshiiska uu Alexis Sanchez ku imaanayo garoonka Old Trafford.