Haweenay Xabsi Ku Gashay Sawir Ay Facebook Soo Dhigtay Iyo Arimaha Sababay.

0
Thursday January 18, 2018 - 10:25:41 in by salman abdi
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenay Xabsi Ku Gashay Sawir Ay Facebook Soo Dhigtay Iyo Arimaha Sababay.

    Haweenay Xabsi Ku Gashay Sawir Ay Facebook Soo Dhigtay Iyo Arimaha Sababay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenay Xabsi Ku Gashay Sawir Ay Facebook Soo Dhigtay Iyo Arimaha Sababay.

Maxkamad ku taala dalka Canada ayaa dambi dil ah ku heshay haweenay u dhalatay dalkaas kadib markii ay barteeda Facebook ay soo dhigtay sawir uu ka muuqdo hubkii ay ku dishey gabadh kale muddo sano ka hor. Isla qofkii la diley ayaa sidoo kale sawirka ka muuqda.

Inkasta oo ay markii hore beenisay dilka, ayaa sawirka ay soo dhigtay Facebook waxaa laga dhex arkay hubkii ay dilka u isticmaashay oo ahaa suunka madoow ee ay dhexda ku xirantahay, kaasi oo ay ku ceejisay gabadha kale.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Cheyenne Rose Antoine oo 21 jir ah ayaa lagu heley in ay dishey gabadh 18 jir ah oo lagu magacaabo Brittney Gargol. Dilka waxa uu ka dhacay meel u dhow magaalada Saskatoon ee gobolka Saskatchewan ee dalka Canada.

Waxaa lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah, balse waxa ay haweenaydan sheegtay in habeenkii uu dilka dhacayay ay sarqaansadayn, islamarkaasna aysan aad u xusuusanin wixii dhacay, kana xuntahay.