Haddii Ay Meesha Ka Baxeen Dadkii Badnaa Ee Madaxweynaha Soo Dhaweyn Jiray Waa Qorshe Iyo Arin fiican

0
Thursday January 18, 2018 - 10:25:41 in by salman abdi
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Ay Meesha Ka Baxeen Dadkii Badnaa Ee Madaxweynaha Soo Dhaweyn Jiray Waa Qorshe Iyo Arin fiican

    Haddii Ay Meesha Ka Baxeen Dadkii Badnaa Ee Madaxweynaha Soo Dhaweyn Jiray Waa Qorshe Iyo Arin fiican

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii Ay Meesha Ka Baxeen Dadkii Badnaa Ee Madaxweynaha Soo Dhaweyn Jiray Waa Qorshe Iyo Arin fiican

Wasiirka hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, isla markaana ahaa la taliyihii gaarka ee Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa ka hadlay safarka Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, nidaamka ku cusub safarada Xukuumadda, ee dhinaca Safarada Madaxweynaha iyo tirikoobka Shaqaalaha.


Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay xiisada ka taagan Gobolada Barri ee Somaliland, waxaanu digniin culus u diray Madaxweynaha Somaliya Farmaajo, oo uu ugu baaqay inuu arimaha Somaliland faraha ka qaado, waxaanu wareysigu u dhacay sidan

Madaxweynuhu safarkiisu ugu horeeyey wuxuu ku tagay dalka Jabuuti, safarkiisi labaadna wuxuu ku tagay dalka Itoobiya, sidee ayaad u aragtaa?

Runtii labada dal ee Jabuuti iyo Itoobiya, waa laba dal oo aynu jaar nahay, saddex dal aynu jaar nahay waa Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliya, marka laga reebo Yamen oo aynu dhinaca Badda jaar ka nahay, balse labada dal ee Jabuuti iyo Itoobiya, waa laba dal oo aynu aad iyo aad iskugu wanaagsan nahay, oo xidhiidh aad u fiicani inaga dhexeeyo, haddii ay tahay Ganacsiga, Haddii ay tahay Nabadgalyada, haddii ay tahay isku socodka, haddii ay tahay soo dhaweeynta Bulshada reer Somaliland iyo faa’iidooyin fara badan oo aynu isku qabno labadan dal, waana arin aad iyo aad u qiimo gal ah in Madaxweynuhu safaradiisa ka bilaabo labadan dal, si uu u cusboonaysiiyo xidhiidhkii inaga dhexeeyey.

Madaxweyne Muuse Biixi marka uu dalka ka dhoofayo iyo marka uu soo degayo Ciidamadii faraha badnaa iyo Tiknikadii faraha badnayd ee Waddooyinka la dhoobi jiray marka uu Madaxweynuhu meel tagayo meesha wey ka baxeen, ee nidaamkan cusub sidee ayuu kula yahay?

"Nidaamyo badan baa jira Dunida, dalkeenuna runtii waa dal nabad ah, oo runtii aad iyo aad ugu amaanayo Dawladda iyo Shacabkaba, ilaalinta amaanka, markaas waxa keeni karaya inuu Madaxweynuhu iska socdo, deganaasha iyo nabada ay umadda reer Somaliland ku naaloonayso, markaas inuu Madaxweynuhu kaligii iska socdo wax u diidaya ma jirto, wax u diidaya in la ilaaliyana ma jirto, laakiin waxyaabaha ugu horeeya waa nabadgalyada.

Wasiiraddii iyo Masuuliyiintii tirada badnaa ee sii dhaweeyn jiray, soona dhaweeyn jiray marka uu Madaxweynuhu safar dibadeed uu tagayo, meesha wey ka baxeen, ee sidee ayuu qorshana kula muuqda?

Haddii ay meesha ka baxeen dadkii badnaa ee Madaxweynaha soo dhaweeyn jiray, oo dad aad u koobani soo dhaweeynayaan, waa qorshe iyo arin fiican.

Adigu waxaad ahayd La Taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore,oo La Taliyayaashiisu aad u badnaayeen, waxaana hadda la filayaa in Madaxweyne Muuse Biixi uu meesha ka saaro La Taliyayaashii faraha badnaa sidee ayey kula tahay?

Runtii Madaxweynaha ayey ku xidhan tahay inuu la taliyayaasha yareeyo iyo inuu in kooban la soo hadho,intaba xaq buu u leeyahay, sida uu ka yeelayana Madaxweynaha ayey u taala.

Sidee ayaad u aragtaa qorshaha Xukuumadda ee Madax taabashada iyo tikoobka Shaqaalaha Dawladda?

In Shaqaalaha Dawladda si fiican loo sugo, oo tiradooda la ogaado, oo wixii khaldan la saxo, waan soo dhaweeynayaa.

Adigu markii aad ahayd Wasiirka Arrimaha Guddaha, waxaad dalka ka hirgalisay Diiwaangelinta Madaniga ah, ee sidee ayaad hadda u aragtaa in Hay’adda Shaqaaluhu shuruuda kowaad ee ay Shaqaalaha ku xidhayso inay noqoto haysashada Kaadhka Madaniga ah?

Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa Hay’adda Shaqaalaha, oo dhab ahaan qorshe aad iyo aad u fiican keentay, in haysashada kaadhka Madaniga ahna ay ku xidho Shaqaalaha Dawladda oo ay shuruudo ugu horeeysa ugu dhigto waan ku bogaadinayaa, waana ku amaanaya, Shaqaalaha oo qudha maaha, ee waxaan kale oo aan soo jeedinayaa in guud ahaan Shacabka reer Somaliland qaatan kaadhka Madaniga ah, oo ah kaadhkii caddaynayey inuu qofku yahay Somaliland, Wadan kastaana uu leeyahay, waana astaan muujinaysa inuu qofku yahay Muwaadin.

Dhanka kale Cali Waran-cadde mar uu ka hadlaayey Somaliya iyo xaalada ka taagan Gobolada Barri ee Somaliland ayaa yidhi "Waxaan jecel ahay in aan bayaamiyo dhacdooyin bariyahan socday, oo ka socday Geeska, Somaliland iyo Somaliya, intaba, bariyahan dambe waxaynu la soconay in Maamulka Mu qdisho ee uu hor joogaha u yahay Mr Farmaajo, inuu ku hawlan yahay duulaan balaadhan, oo ku wajahan Qaranka Somaliland, haddi ay tahay Hawadeena oo inoo madax banaan, haddii ay tahay Madax-banaanida aynu Caalamka ka rajaynayno, haddii ay tahay Nabadgalyada aynu ku naaloonayno, iyo dalalka aynu dariska la nahay khaas ahaan Somaliya, oo runtii muddo dheer ku wada nool nahay nabadgalyo, waxa kale oo aynu la soconaa culayska Siyaasadeed, ee kala soo darsay Farmaajo, Maamulka uu Madaxda ka yahay, haddii ay tahay Maamul Goboleedada Somaliya, oo ay aad u kala fogaadeen, qaarkooda inay farihiisa ka baxaan, ay in yar ula jiraan, haddii ay tahay Nabadgalyo xumida ka taagan Muqdisho guddaheeda, iyo haddii ay tahay Mucaarad adag ee ku bilawday ninkaas odayga ah, ee Maamulka Somaliya Madaxda ka ah, dhammaan arimahaas oo la soo darsay ninkaas Madaxweynaha ah, sidaas awgeed waxa muuqata in Mr Farmaajo, uu go’aansaday in ololka ku baxaya, kula soo gal-gasho Xuduudaha Somaliland iyo Somaliya u dhexeeya, si uu badbaado iyo cimri dherer uga dhigto, dagaalo ka dhex qarxa umadda reer Somaliland iyo dadka reer Somaliya, ee runtii dariska ah ee walaalaha ah, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa umadda Somaliya, inay ka digtoonadan dhagaraha uu maleegayo Madaxweynaha Xafiiskiisa Xamar uu qiiqu ka baxayo maanta, ee qoriga dabka leh kula wareegaya, Xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, isagoo kaga xuub siibanaya kuna burburinaya, wada hadaladii nabadeed ee dunidu ku talisay, inay dhexmaraan Somaliland iyo Somaliya, si nabad ah inay ugu dhamaystaan arimaha yar ee iskugu keen hadhay, sidii aynu laba dawladood oo walaalo ah u noqon lahayn”.

Cali Waran-cadde mar uu ka hadlaayey Somaliland waxa la gudboon ayaa yidhi "Somaliland iyada oo ka shidaal qaadanaysa soo jeedintii Bulshada Caalamka,waxay diyaar u tahay in wada hadaladii u dhexeeyey labada dal in si dhakhso ah, loo bilaabo, waxaad se mooda in arintaas uu ka dhuumanayo Farmaajo, oo uu doonayo sidii horeba ay Somaliya ugu jabtay dagaaladii ka bilaawday Somaliya wixii la isku odhan jiray oo afartankii ama dhawr iyo sodon sanno ka hor, inuu halkeedii ku soo celiyo, waxaan markaas soo qaadanaya maahmaah somaliyeed, inkasta oo wax rag loogu maahmaaho ahayn, waxa la yidhi inan yar oo Hooyadii ag jooga ayaa Hooyadii soo ag fadhistay, markaasu ku yidhi "Hooyo xuux”intii buuryada la soo baxay, markaas ayey tidhi "Hooyo kii aabaha ayaanu ka baqan weynay, ee halkaas iska fadhiso”, markaas Farmaajo waxaan leeyahay, inta aad xuuxda inaga dayso, kuwii ka waaweynaa iyo dhibaatadii inaga soo martay waad garanaysaa, afartan sanno ka hor, haddii dagaal wax lagu qaadayo,kaas ayaad wax ku soo dhicin lahayd, weynu ku kala baxnay, dhib baa ina kala gaadhay, maantana waxaan kaga digayaa, inaad dib iskugu daydo in mar labaad, wixii afartan sanno ka hor ka dhacay dalka, oo wali qiiqi ka sii baxayo Xafiiskaaga Xamar, in umadda Somaliya iyo Somaliland aad dib ugu soo celiso”.

Cali Warancadde mar uu ka hadlaayey Salaadiinta Somaliland oo qaarkood maalmihii ugu dambeeyey Warbaahinta dhaliilo isku marinayey, ayaa yidhi "Baryahan dambe waxa soo shaac baxay, in qaar ka mid ah Salaadiinta reer Somaliland, ay caddaysteen in Bulshada reer Somaliland, ee halganka dheer ugu jirta inay ka rumeeyaan, himiladooda qaaliga ah, ee ay u soo mareen jidka dheer, Salaadiintan oo umadda reer Somaliland kula dhex wareegaya, ficilo iyo hadalo naxdin leh, oo ku saleeysan kala fogeeynta, kala qaybinta, kala qob-qobida Bulshada reer Somaliland, ee walaalaha ah, Bulshada reer Somaliland uma baahna Suldaan u abtiriya, ee waxay u baahan tahay Suldaan isku ururiya, Somaliland uma baahna Suldaan cadawga Somaliland u shaqeeya, isagoon garaynin cida uu u adeegayo, sidaas awgeed waxaan ugu baaqayaa Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta Somaliland ee caddaystay inay ka shaqeeyaan falal ku lid ah, wada jirka umadda reer Somaliland, inay ka waantoobaan ficilada foosha xun iyo hadalada foosha xun, ee ay hawada isku marinayaan, ee ay maqashiinayaan dhegaha nadiifta ah, oo umadda reer Somaliland quluubtooda inay wax ku yeelaan, ay doonayaan inay ka waantoobaan”.

Cali Warancadde mar uu baaq ku saabsan xakamaynta Salaadiinta u dirayey Hay’addaha Sharciga iyo Xukuumadda ayaa yidhi "Waxaan ku boorinayaa Hay’adda Sharciga iyo Ciidamadda amniga, in Sharciga la hor geeyo, cid kasta oo ka waantoobi weyda, ficilada iyo hadalada xun ee umadda reer Somaliland lagu kala dilayo, ee hawada la isku marinayo, haddii uu bariga Somaliland joogo iyo haddii uu Galbeedka Somaliland joogaba, Bulshada reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in aanay dheg u dhigin, Ragga aan soo sheegaya ama Siyaasi ha ahaado, ama Suldaan Siyaasad barada ah ha ahaado, in aanay hadaladooda dheg u dhigin, anigoo aad ugu amaanaya Shacabka reer Somaliland, inay runtii marxalado badan ka soo gudbeen, oo aad iyo aad halis u ahaa, kagana soo gudbeen wada jir, iyo iyagoo arinkoodu ahaa geedigu ha socodo, arimahaasina waa arimo aynu runtii u baahan nahay Shacab ahaan iyo Dawlad ahaanba in laga digtoonado, ash-khaasta waxaas hor kacayana aynu la talino”