“Madaxweyne Quruxda Haybadaada Hogaamineed Waa Midnimada Shacabkaaga” Xoghayaha Cadaalada Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

0
Thursday January 18, 2018 - 16:06:00 in by salman abdi
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Madaxweyne Quruxda Haybadaada Hogaamineed Waa Midnimada Shacabkaaga” Xoghayaha Cadaalada Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

    “Madaxweyne Quruxda Haybadaada Hogaamineed Waa Midnimada Shacabkaaga” Xoghayaha Cadaalada Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Madaxweyne Quruxda Haybadaada Hogaamineed Waa Midnimada Shacabkaaga” Xoghayaha Cadaalada Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

Xoghayaha cadaalada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa madaxweynaha somaliland ugu baaqay inuu u hawl galo sidii uu u midayn lahaa bulshada somaliland ee ku kala qaybsantay doorashadii madaxtooyada ee dalka ma dhacday.


Qoraalka uu xoghaye Barkhad Jaamac ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa u dhignaa sidan:-Xoghaye Barkhad Jaamac Xirsi oo qoraal uu arintaas kaga hadlayo ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay in loo baahan yahay guddi qaran oo ka shaqaysa sidii uu umada layskkugu soo dhawayn lahaa.

Mudane, Madaxweyne maanta waxaad tahay odeyga umadda, Adigaa xilka qaranka ugu sarreeya haya. waxaa kula gudboon inaad noqoto geed hadhac weyn

oo dadkuna wada hadhsadaan. Naxligii yo Nacaybshihii umaddeed ee xanafta iyo xanuun qabyaaladdeed ku reebay quluubta Shacabka Somaliland ee Doorashadii xisiyadda ee xaafadaha tartamaya noqtay lagu galay reebtay raadkeedi wali waa qoyan yahay waxaana daliil kaaga filan qoraalada iyo qawlka la isku waydaarsanayo bar kullanada bulshada. Inaad Waddooyin dhisto, inaad haayado dawladeed habeyso, inaad biyo iyo caafimaad ka shaqeyso waxaa ka awlaysan iney mid tahay qaluubta shacabkaagu caddaalad iyo sinnaana ku hoggaamiso mudo xileedkaaga Adigana sharaf weyn ayey taasi ku tahay oo taarikhdaada ku galaysa.

 

Qalbiyada kala jeeda ee umaddu waxay sababaan cadho Alle oo dhaxalkeedu noqdo Abaar iyo Arin xumo. Haddaba Madaxweyne Adigoo adeegsna haybadaada dawladeed kaashanayana Hal~abuurka dalka Madaxda Xisbiyadda qaranka, madaxda goolayaasha qaranka, culimada iyo Madaxda dhaqanka bulshada waxan kugula tallin lahaa inaad berri ila galbeed safar samo~tallisnimo ah oo qalbiyada shacakaaga isugu soo jiidayso ku gaala bixiso oo bulshadii ku doortay iyo kii ku diidanaaba adinkaaga iyo afkaaga ku gaadho kana timaado iyagoo mid ah sharaftaada hoggaamineedna waa shackaaga oo gacmaha is wada haysta waxayna dawo ka noqoneysaa in cudurka iyo caqabada qabyaaladdeed laga gudbo dalka iyo dadkuna horumar gaadho cadow kasta oo carqalad wadana cabsi gasho. balse intay sidan wax u socdaan xaaladeena rajo beel.