Madaxweyne Farmaajo oo mamnuucay bixinta dhulalka dowladda

0
Friday January 19, 2018 - 13:17:19 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo mamnuucay bixinta dhulalka dowladda

    Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray warsaxaafadeed lagu joojinayo in dhulka dowladda la iibiyo ama qof la siiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray warsaxaafadeed lagu joojinayo in dhulka dowladda la iibiyo ama qof la siiyo.


Arrintan ayaa timi ka dib warar ku saabsan in dhulal ay dowladda leedahay oo siyaabo kala duwan loogu takri falay.

War saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu yiri yiri "sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, dhulka waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Illaa inta laga soo saarayo habraacyada sharciga ee waafaqsan qodobka 43aad ee dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo."

Go'aankan uu soo saaray madaxweyne Farmaajo wuxuu saameynayaa dhulkii la bixiyay laga soo bilaabo maalinkii madaxweynaha la doortay ee 8-da feberaayo, 2017-kii, sida war saxaafadeedka lagu sheegay.

"Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017, uusan haysan ogolaansho sharci ah."

"Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah", ayaa ku xusan qoraalka.

 
Madaxweyne Farmaajo oo mamnuucay iibinta dhulka dowladda

Arrinta dhulalka waxay weli Soomaaliya ka tahay mid muran dhaliso, waxaana jiro kuwo badan oo la isku haysto.

Maxkamadaha qaar waxay weli dhageysanayaan guryo ay isku haystaan dad kala duwan, sidoo kale waxaa jiro meello dowladda ay lahayd oo dad rayid ah ay deggan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amar ku siiyay hay'adaha ka shaqeeyo arrimaha dhulalka in aysan bixin karin hanti dowladeed iyadoon "loo marin habraac sax ah iyo wareegto madaxweyne oo shuruucda waafaqsan".