Cilmi Baadhayaal Helay Si Fudud Oo Lagu Ogaan Karo Kansarka.

0
Friday January 19, 2018 - 13:18:40 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cilmi Baadhayaal Helay Si Fudud Oo Lagu Ogaan Karo Kansarka.

    -Saynisyahannada Maraykanka ayaa sheegay in ay talaabo hore u qaadeen dhinaca horumarinta baadhitaanka dhiigga ee cudurka kansarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Saynisyahannada Maraykanka ayaa sheegay in ay talaabo hore u qaadeen dhinaca horumarinta baadhitaanka dhiigga ee cudurka kansarka.


Cilmi baadhayaal ka tirsan jaamacadda Johns Hopkins ayaa sameeyay tijaabo ay ku fuliyeen kun qof oo bukaan ah si ay u eegaan in ay suurtogal tahay in sideed nooc oo cudurro ah lagu ogaan karo baadhitaan dhiig oo qudha.

 

Baadhitaankaas oo loo bixiyey CanserSEEK ayaa muujiyey natiijo fiican oo lagu guulaysan karo boqolkiiba todobaatan.

Khubaro aan ka tirsanayn jaamacaddaas ayaa sheegay in horumarkaasi dhaliyey yididiilo wayn laakiin loo bahanyahay in cilmi baadhis kale oo dheer la sameeyo si loo hubsado saxnaantiisa.

Kooxda Maraykanka ahi waxay haatan tijaabooyin baadhitaankaas ah ku wadaa dad aanay ka muuqanin calaamadaha lagu garto kansarku si ay u ogaadaan in ay suurtogal tahay in hore loo ogaan karo cudurkaa oo dadka si dhakhso ah loo badbaadin karo.