Magaalo maalinkii 6 daqiiqo oo kali ah dadku ay qorraxda arkaan

0
Friday January 19, 2018 - 13:22:40 in by salman abdi
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalo maalinkii 6 daqiiqo oo kali ah dadku ay qorraxda arkaan

    Waxaad qiyaastaa in bishii 6 daqiiqo oo kali ah aad hesho ama aragto iftiinka qoraxda, waxa ay arrintan u muuqataa mid murugo leh, miyaysan ahayn?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaad qiyaastaa in bishii 6 daqiiqo oo kali ah aad hesho ama aragto iftiinka qoraxda, waxa ay arrintan u muuqataa mid murugo leh, miyaysan ahayn?

Waxaad qiyaastaa in bishii 6 daqiiqo oo kali ah aad hesho ama aragto iftiinka qoraxda, waxa ay arrintan u muuqataa mid murugo leh, miyaysan ahayn?

Haddii aad ku nooshahay caasimada Ruushka ma aha wax lala yaabo -sababtoo ah waa taasi waxa halkaasi ka jira.

Caasimadda Moscow ayaa bishii December 2017,waxa soo martay mugdigii ugu badnaa , waxaana maalinkii magaaladaasi ay qorraxda dadka arkayeen 6 daqiiqo oo kali ah badalkii ay caadiyan ahaan jirta maalinkii 1 saac.

Haddaba sidee ayay u egtahay in lagu noolaado maalin waliba?

Wariyaha BBC ee Ruushak Oleg Boldyrev ayaa bal fikir naga siinaya arrintan.

Dayaxa hal mar ayaa arkay

Maalin khamiis ah dabayaaqadii bishii December waxa aaan eegay cirka waana naxay.

.Lahaanshaha sawirka.
Image caption.

Waxaa aan arkay wax koobaaban oo dahab la moodo oo caalamka intiisa kale mar walba ka dul muuqda balse ku yar magaalada Mosco.

Waxa aan ka baaray barta Google waxa aana xaqiijiyay in waxa aan arkay uu yahay dayax yar.

Balse markii aan mar labaad eegay waxaa markiiba qariyay daruuro.

Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay ma arkin dayaxa mar dambe.

Roman Vilfand, oo ah madaxa saadaasha hawada ee Ruushka ayaa sidoo kale arrintan xaqiijiyay .

Bishii December ee 2017 ayaa markaasi noqotay bishii ugu madoobayd ee soo marta Mosco, iyada oo ay dadka magaaladaasi ay 6 daqiiqo oo kali ah qoraxda arki jireen maalinkii.

.Lahaanshaha sawirka.
Image caption.

Mr Vilfand ayaa sheegay in arrintani ay keentay ceeryaamo badan ka dib na ay daruuro ka dhashaan.

Dadka qaar uma suuragalayso in ay galaan oo ay aadaan xilliyada fasaxa meelo kale iyada oo barafka uu meelo badan daadsan yahay.

Kumannan qof oo u dhashay Ruushka ayaa waxa ay fasaxooda ku qaataan guriyahooda.