Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo sheegay inay xalinayan cabashada reer Cadaado

0
Friday January 19, 2018 - 13:24:37 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo sheegay inay xalinayan cabashada reer Cadaado

    Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug, ayaa waxa uu ka hadlay cabashada dadka reer Cadaado ay ka qabaan heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug, ayaa waxa uu ka hadlay cabashada dadka reer Cadaado ay ka qabaan heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna.


Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Cadaado, ayaa si weyn uga horyimid heshiiskaasi, iyagoona ka maqnaa xafladdii shalay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb, ee lagu dhameystiraayay heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna, ku wada gaareen dalka Jabuuti, bishii December.

 

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, ayaa sheegay in kol kasta oo heshiis la gaaro ay soo baxaan dad diidan, hase yeeshee ay diyaar u yihiin inay xaliyaan cabashada reer Cadaado.

Madaxweyne Kuxigeenka oo la hadlay BBC, ayaa yiri "Mar walba oo heshiis yimaado waxaa khasab ah dadka qaar inay cabasho ka keenaan. Dadka hadda cabanaaya waan oganahay, waana ka warqabnaa waxa ay ka cabanayan, waana isu deynay in wax laga qabto, laakiin weli sidii la rabay ma noqonin."

"Mar walba maaha in laga gudbaayo, laga tagaayo amaba laga tashanaayo, maxaa yeelay talladii, hawshii iyo wixii oo dhan hadda ayay bilaabanaysaa, qaybtooda ayayna ku leeyihiin."

"Waa khasab waxay tabanayaan in la xaliyo, sababtoo ah Galmudug ma kala maaranto, hadda waxaan keenay dhinac, in dhinacyo kale laga taggana macquul maaha."