Maxaad ka taqaan wasiirka maaliyada somaliya doorkiisa siyaasadeed iyo sida uu uga badiyey prof ahmed ismaacil samatar.

0
Friday January 19, 2018 - 13:45:58 in by Burco Office
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan wasiirka maaliyada somaliya doorkiisa siyaasadeed iyo sida uu uga badiyey prof ahmed ismaacil samatar.

    Maxaad ka taqaan wasiirka maaliyada somaliya doorkiisa siyaasadeed iyo sida uu uga badiyey prof ahmed ismaacil samatar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad ka taqaan wasiirka maaliyada somaliya doorkiisa siyaasadeed iyo sida uu uga badiyey prof ahmed ismaacil samatar.
Wasiirka Maaliyada Dawllada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle,oo kamid ah Wasiiradda ugu Tayadda Fiican ee Federaalka islamarkaana, doorkiisu Saameyn adag ku leeyahey Siyaasada Xukuumada Farmaajo waxey isku beel kasoo wada jeedaan, Aqoonyahanka Axmed Ismaaciil Samater oo mudo badan faalooyin ka bixin jirey Arimaha Siyaasadda Soomaalida guud ahaan islamarkaana, mudo dheer aaminsanaa Siyaasadda midnimada Soomaaliya, aakhirkiina kaga beydhay kadib markii uu hungo kala kulmey, qaabkii uu isku sharaxey iyo is diidsiintiisii arimaha Beelaha, Soomaalida.
 
 
Taas oo aheyd in uu Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samater iska indha tirayey xaqiiqo dhab ah iyo marxalad taagneyd oo shan iyo labaatankii sanadood ee lasoo dhaafey lagu miisaamayey saami qeybsiga Kuraasta iyo Mansabyadda Siyaasiga ah(Polatical-Figer).
 
 
 
 
 



 

 

 

 

 

Marka aynu dib ugu noqono Sooyaalkiisa Shakhsiyeed iyo Doorkiisa Siyaasadeed,waxa dad badani ku barteen mudadii u horeysay ee lagu arkey in uu kujiro Doorka Siyaasada Soomaaliya oo hore uga soo noqdey Xukuumadii hore Wasiirka Arimaha Dibadda waa aqoonyahan ku takhasusey Siyaasada iyo dhaqaalaha islamarkaana,ka diyaariyey Jaamacad kutaala dalka Mareykanka Shahaadooyinka MBA iyo BHD,waayo aragnimo Siyaasadeed oo uu kusoo qaatey wakhtiyo Xasaasiya Xukuumadihii u dambeeyay ee Soomaaliya isagoo,hore usoo noqdey Safiirka Hindiya u fadhiya dalka Soomaaliya,Gudoomiyihii Doorashada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Tobnaad ee Soomaaliya,Gudoomiyihii Gudidii Doorashada Madaxweynaha iyo Wasiirkii Arimaha Dibadda ee lasoo dhameystey Xukuumadii Xasan Sheekh Maxamuud waxaanu ku dhashey sanadkii 1955kii ilaa 56kii Magaalada Gabiley oo uu kusoo qaatey Waxbarashadiisii Malcaamada Quraanka,Dugsiyada Hoose iyo Dhexe Mr Beyle ayaa Xiligan kamid ah Rukun aasaas u ah qeybo badan oo ay ku shaqeyso Doorka Siyaasada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya taas,oo uu aqoontiisa uga faa,ideeyay in uu Soomaaliya arimaha dib-udajinta iyo dib u dhiska(Resetlement &Rehablitation) Beesha Caalamka kula Wadaago Mashaariicaha Hurumarineed(Devoplement-Programe),taas oo si dhab ah wakhti xaadirkan uga dhex muuqata Xukuumadda Federaalka ee uu hogaamiyaha u yahey Madaxweyne Farmaajo.Siyaasiga Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu tiriyaa raga fara kutiriska ah ee Xiligan Siyaasadiisa iyo aqoontiisa Waayo-aragnimo uga faa,ideeyay Xukuumadda Soomaaliya,maadaama uu kamid yahey shakhsiyaadka aqoonta u leh luuqada Diblamaasiyeed ee Istiraatijiayadaha Beesha Caalamka loogula hadlo arimaha khusuusiga u ah Soomaaliya.
 
 
 
 
 
 
 
Cabdiraxmaan Ducaale Wasiirka Maaliyada Fedraalka Soomaaliya,waxa uu aqoon buuxda u leeyahey jaangoynta,iyo wadaajinta doorka Siyaasada iyo dhaqaalaha oo fure u noqoneysa si Xukuumaddu u socodsiiso fulinta iyo dhaqaajinta Maamulka Dawlliga ah oo ku baahey hadda qeybo badan oo dalka Soomaaliya ah islamarkaana, suurta galiyey in Madaxweyne Farmaajo socdaal ugu baxo qaar kamid ah Maamul Goboleedyada oo aaney awal hore Saameyn ku yeelan jirin Dawlladihii Maamulkoodu ku ekaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada ah.
 
 
 
 
Marka hoos loogu dhaadhaco, mawduucyadda uu seeska u dhigey Xukuumaddan uu katirsan yahey,ee ay hordhaca u tahey in awooda dhaqaale lagu socodsiiyo qorshayaasha iyo meel marinta balanqaadyadii lagu doortey Madaxweyne Farmaajo,waxa uu Beyle noqdey Wasiirkii u horeeyay ee loo magacaabo Wasaaradda Maaliyada oo dhaqaajiya hirgalinta Cashuuraha dakhli abuurka ah isagoo xididka ka saarey in dakhliga kasoo xerooda Cashuuraha Dekedda iyo Kastamadda kale ay ku leexdaan jeeb qarsoon taas, oo markii u horeysay laga sameeyay Miisaaniyad ku saleysan dakhliga kasoo Baxa Cashuuraha marka laga reebo dhaqaalaha kale ee Dawllada Soomaaliya ka soo gala Dunida Caalamka………..Lasoco Qeybta Dambe