Madaxweynaha Somaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Guriceel

0
Saturday January 20, 2018 - 06:39:30 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Guriceel

    Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.


Wefdiga Madaxweynaha oo ka amba baxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagey Magaalada Guriceel.

 

Dadka reer Guriceel oo u diyaargarowbay soo dhawaynta wefdiga Madaxweynaha Somaliya, ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladooda, oo markii ugu horeysay uu booqday Madaxweynaha, tan iyo intii uu xafiiska qabtay.

Ciidamada ammaanka, ayaa xoojiyay amniga magaalada, iyadoo wadooyinka qaarkood la soo dhigay ciidamo suggida amniga ka qayb qaadanaya. Wefdiga Madaxweynaha ayaana caawa ku hooyanaya magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu wadaa in Guriceel uu uga gudbo Magaalada Caabudwaaq.