Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Ka Wada Hadley Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

0
Saturday January 20, 2018 - 13:07:57 in by salman abdi
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Ka Wada Hadley Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Ka Wada Hadley Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Ka Wada Hadley Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen. Madaxweynayaasha Dalalka Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi Iyo

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ku wada hadley khadka telefoonka kadib xiisad ka dhex dhalatay Somaliland iyo maamulka Somaliya ee Puntland .


 

Warar xog ogaal ah oo uu Wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in labada madaxweyne ay Telefoon ku wada hadleen todobaadkan dhamaadey ka hor intii aanu madaxweyne Biixi u anbo bixin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya .


Wada hadalkan telefoonka oo sida warku sheegay ay ka shaqeysay xarunta caalamiga ah ee" CENTER FOR HUMANITARIAN DIALOGUE "waxaa ay labada madaxweyne kaga wada hadleen laba qodob oo kala ah xiisada ka dhalatey deeganka Tuko-raq iyo suurto galnimada inay dib u bilaabmaan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee hakadka Galay.


Wararka Geeska Africa helay waxaa uu sheegayaa in madaxweyne Biixi uu wada hadalkaas telefoonka ah ku soo bandhigay in xiisada Tuko-raq uu u arko dagaal ay Somaliya ku soo qaadey Somaliland isaga oo sheegay in aaney is heynin Somaliland Iyo Puntland lakiin uu aaminsan yahay in dawlada Somaliya ee madaxweyne Farmaajo ay bilowdey dagaal ciidan oo ka dhan ah Somaliland .


Waxaana wararku sheegayaan in madaxweyne Biixi uu tusaale u soo qaatay wasiirkii qorsheynta Somaliya Mr Jamaal Xassan oo dhawaan socdaal ku yimid bariga Sanaag taas oo madaxweynaha Somaliland uu sheegay in ay tahay Xad-gudub


Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu ku dooday in aanu marnaba dooneen dagaal iyo dhiig daata lakiin uu jecel yahay nabad gelyada isla markaana uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo sidii xiisada soo korodhey loogu dhameyn lahaa wada hadal , waxaa uu sidoo kale uu sheegay in uu jecel yahay in labadooduba [ Biixi iyo Farmaajo ] hormuud u noqdaan in xiisada la dejiyo isla markaana laga dheeraado dagaal dhaca .


Warka uu geeska Africa helay waxaa kale oo uu sheegay in labada madaxweyne isla soo hadal qaadeen in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya waxaana ay isla garteen in wada hadaladu ay deg deg u bilowdaan isla markaana ay labadooduba ay Hormuud u noqdaan kulanka u horeeya ee wada hadalada lagu bilaabaayo waxaana ay wararku sheegayaan in ay suurto gal tahay in dawlada Tukriga laga wareejiyo wada hadalada loogana wareego in dawlado kale ay dhex dhexaadiyaan .


Ma jiro wax war ah oo ay Somaliland iyo Somaliya midkoodna ka soo saartey wada hadalkan telefoonka ee dhex maray labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya


Source:- Geeska