Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Shirgudoonka Labada Gole.

0
Sunday January 21, 2018 - 11:16:04 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Shirgudoonka Labada Gole.

    Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Shirgudoonka Labada Gole.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Shirgudoonka Labada Gole.

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha distoorka Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa shalay kulan la yeeshay shirgudoonka labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada.


Wasiir Maxamed, ayaa kala hadlay shirguddoonka adkaynta wada shaqaynta goleyaasha baarlamaanka iyo wasaarada uu masuulka ka yahay. Warsaxaafadeed ay wasaaradu soo saartay ayaa u qornaa sidan

"Shalay oo ay taariikhdu ahayd 20/01/18 Waxa wasiirka Wasaarada Xidhiidhka golayaasha Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi uu kulana la yeeshay Shir Gudoonka Labada Gole oo ka Koobnaa Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleeban Maxamuud Aadan iyo mudane Baashe Maxamed Faarax Gudoomiyaha Golaha Wakiilada kulan kaas oo ka dhacay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha wakiila Jamhuuriyada Somaliland.

Waxay ka wada Hadleen Labada Dhinac sidii loo adkenlahaa wada shaqaynta Golayaasha iyo wasaaradda, kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dhexmara Shirgudoonka labada Gole iyo Wasaaradda.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen qodobo dhawr ah oo uu ka mid yahay Xeerarka horyaala Golayaasha, Xoojinta wada shaqaynta wasaaradda iyo golayaasha iyo Sidi loo Xoojin lahaa Xidhiidhka Barlamanka Somaliland iyo Barlamanada Debeda Gaara ahaan Barlamanka Ingiriiska.

Ugu horayn waxa hadlay Wasiirka wasaaradda xidhiidhka Golayaasha Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo u mahad celiyay Shirgudoonka Labada Gole, wasiirku wuxuu ka hadlay Xoojinta Xidhiidhka wada Shaqayneed ee Xukuumada iyo Golayaasha Sharci Dajinta, taas oo ay wasaaradda xidhiidhka golayaasha waajibaadkeeda shaqo tahay xidhiidhinta Shaqo ee Xukuumada Golayaasha sharci dajinta (Guurtida, iyo Wakiilada).

Waxa isnaguna ka hadlay halkaasa soona dhaweeyay kana mahad celiyay Kulankaas Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax , wuxuu sheegay in fadhigii ugu danbeeyay goluhu ansixiyay 10 Xeer iyo Wasiiradii Madaxwaynuhu Magacaabay Golahana ka go’antahay in la meel mariyo Xeerarka Horyaala Golaha.

Waxa laysla gartay in laga wada shaqeeyo xeerarka horyaala Golayaasha, sidii loo xoojin lahaa barlamanka Somaliland iyo Barlamanada Dunid kulankaas oo ku soo dhamaaday si guula iyo is Af garada fiican.”