Agaasimaha Caafimaadka Oo Ka Hadlay Sababta Albaabka Looga Xidhay Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha.

0
Sunday January 21, 2018 - 11:16:04 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Caafimaadka Oo Ka Hadlay Sababta Albaabka Looga Xidhay Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha.

    Agaasimaha Caafimaadka Oo Ka Hadlay Sababta Albaabka Looga Xidhay Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Caafimaadka Oo Ka Hadlay Sababta Albaabka Looga Xidhay Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa ka hadlay Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, ee ka shaqeeya Xarunta Wasaaradda, oo qaarkood shalay albaabka laga xidhay, waxaanu tilmaamay in ujeedada albaabka looga xidhay ay ahayd iyaga oo ka soo habsaamay wakhtigii shaqada, ee qaranka loo shaqeeynayey.


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr maxamed cabdi xergeeye, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay Dawooyinka bilaa warqada lagu iibiyo, iyo Raashinka dhacay ee dalka la keeno iyo waxa uga meel yaala,waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya shaqaalaha albaabka laga xidhay iyo sababta loo xidhay "Si loo dardar galiyo habacsanaantii jirtay, ayaanu arintan u sameeynay, si loo ixtiraamo saacadaha shaqada qaranka ee dalka iyo dadka loo shaqeeynayo, oo aanu qofba marka uu doono aanu iska iman, oo qofkii sagaalka yimid, ee qofkii soo kalay aanay isku mid noqon, markaas markii ay toddobadii iyo badhkii ay ahayd ayaanu shaqaalaha ka hor joogsanay in wax dambe soo galaan, waxayna ahayd digniin, sidaas ayeyna ku soconaysaa, waxaana yaala (Finger Printer), oo dadkii iska imanayey ee iska fadhiisanaayey, oo qofka xillaga uu doono imaanayey ma shaqeeynayso, waxaana soo jeedinayaa in saacadaha shaqada la ixtiraamo, oo xillaga shaqada la soo galayo iyo xillaga laga baxayaba in la ixtiraamo ayaa muhiim ah, sidaas ayaana ugu tagalay, waxaana arintan u sameeynay inay suno wanaagsan noqoto, oo dadkii umadda u shaqeeynayey in wakhtigii ay shaqeeynayey in laga helo weeye”.

Mar aanu wax ka weydiinay Dawooyinka la iska iibiyo, iyo waxa laga gudboon ayaa ku jawaabay "Arrimaha Dawadu qorshaha wey noogu jirtaa, waxa alaale waxa aanu qaban karno ee umadda loogu adeegayo, ama dawo khaldan lagaga ilaalinayo, ama qof aan aqoon u lahayn oo umaddii si xun wax u siinaya sida looga qabanayo, qorshaha wey noogu jirta, haddii ALLE idmana waanu ka qaban doonaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay waxa uga meel yaala Wasaaradda Caafimaadka Raashinka ama Nacnaca Caaga iyo Balastigada ka sameeysan ee dalka soo galaya ayaa ku jawaabay "In qalabka lagu baadho ee ilaalinta tayaada in aanu hagaajino aad iyo aad baanu ugu talo jirnaa, oo qalabkaasi in aanu noqon tayadda oo qudha ee in lagu baadho cuntadana iyana waa mid qorshaha noogu jirta, oo aanu ka shaqeeynayo sidii loo adkayn lahaa qalabkii lagu eegayey, in waxan inoo yimid uu yahay wixii saxda ahaa, mise maaha, haddii dawo tahay iyo haddii ay cunto tahayba, labada ugu darana waa labadaas”.