Turkiga oo dalbaday NATO in ay taageerto duulaankiisa ka dhanka ah Kurdiyiinta

0
Monday January 22, 2018 - 10:56:06 in by salman abdi
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo dalbaday NATO in ay taageerto duulaankiisa ka dhanka ah Kurdiyiinta

    Turkiga oo dalbaday NATO in ay taageerto duulaankiisa ka dhanka ah Kurdiyiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga oo dalbaday NATO in ay taageerto duulaankiisa ka dhanka ah Kurdiyiinta

Wakiilka Turkiga u fadhiya gaashaanbuurta NATO, Ahmet Berat Çonkar, ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah isbahaysigaasi inay waddankiisa ka taageeraan dagaalka dhulka ee cusub ee uu kula jiro xooggaga YPG ee Kurdiyiinta Suuriya.

Mr Çonkar oo BBC u warramay ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisa looga baahan yahay inay dib u qiimeyn ku sameeyaan xubinnimadooda NATO haddii ay taageeri waayaan duulaanka Turkiga, oo uu ku tilmaamay mid sharci ah.

Waxa uu intaa ku daray in taageerada ay Washington ku siinayso YPG dagaalka ay kula jirto ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ay maleeshiyadaasi ka dhigta mid khatar toos ah ku haysa Turkiga.

Xukuumadda Washington ayaa doonaysa in Turkiga uu koobo howgalkiisan milateri, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxay kulan degdeg ah Isniinta maanta ah ka yeelan doonaan xaaladdaasi.