Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo la kulmay guddoomiyihii xilka laga qaaday Taabit Cabdi Maxamed

0
Monday January 22, 2018 - 10:56:06 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo la kulmay guddoomiyihii xilka laga qaaday Taabit Cabdi Maxamed

    Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo la kulmay guddoomiyihii xilka laga qaaday Taabit Cabdi Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo la kulmay guddoomiyihii xilka laga qaaday Taabit Cabdi Maxamed

Waxaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo guddoomiyaha xilka laga qaaday Taabit Cabdi Maxamed.

Kulan ayaa waxaa ka qeybgallay Wasiiro, Taliyeyaal, iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa caawa gurigiisa ku booqday Guddoomiye Taabid Cabdi, waxaana dhex maray kulan uu albaabada u xirnaa.

Labada dhinac ayaa ka wada xaajooday sidii loo soo afjari lahaa xiisada, islamarkaana labada dhinac uga wada hadli lahaayeen ka bixida xilliga kala guurka ee uu galay Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa isku afgartay in munaasabadda xil wareejinta ay u dhacdo si habsami leh.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa dib ugu laabanayo Xarunta Gobolka Banaadir, si uu u diyaariyo xil wareejinta, iyadoo lagu wado in uu magacaabo Guddi Xil wareejin oo dhankiisa ka socda.

Waxaa xubnaha kulanka qeyb ka mid ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostada Eng. Canshuur, Wasiir ku xigeenka Dekedaha Cusmaan Daalo, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida