Mareykanka oo safaaradiisa Israel u raraya Jerusalem dhamaadka sanadka 2019

0
Tuesday January 23, 2018 - 10:42:26 in by salman abdi
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo safaaradiisa Israel u raraya Jerusalem dhamaadka sanadka 2019

    Mareykanka oo safaaradiisa Israel u raraya Jerusalem dhamaadka sanadka 2019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo safaaradiisa Israel u raraya Jerusalem dhamaadka sanadka 2019

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Mareykanka Mike Pence oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Israa’iil ayaa sheegay in dhamaadka sanadka 2019ka safaarada Mareykanka ee Israa’iil loo rari doono magaalada Jerusalem.

"Toddobaadyada soo socda maamulkeenu waxaa uuu sii waddi doonaa qorshihiisa si uu u furo safaaradda Mareykanka ee magaalada Jerusalem ka hor dhammaadka sanadka soo socda," ayuu Pence oo la hadlayay xildhibaannada baarlamaanka Israel.

Pence ayaa difaacay go'aanka Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ee lagu aqoonsado Jerusalem in ay noqoto caasimadda Israel, taasoo ay cambaareeysay Falastiiniyiinta iyo dunida Muslimka ah.

"Yeruusaalem waa caasimadda Israa'iil sidaas darteed, madaxweynaha Trump wuxuu ku amarey Wasaaradda Arrimaha Dibedda in ay bilawdo diyaarinta bilowga ah ee safaarada Mareykanka loogu rarayo Jerusalem " ayuu yiri Pence

Taalaabadan uu Mareykanka qaaday ayaa waxaa siweyn uga hor yimid qaar ka mid ah wadamada Caalamka oo isugu jira kuwa muslimka ah iyo kuwa aan muslimka aheyn intaba.