Shaqaale mushaar ahaan u qaatay bulukeeti

0
Wednesday January 24, 2018 - 12:46:37 in by salman abdi
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale mushaar ahaan u qaatay bulukeeti

    Shaqaale mushaar ahaan u qaatay bulukeeti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaale mushaar ahaan u qaatay bulukeeti

Shaqaale ka hawlagalayay warshad bulukeetiyada samaysa oo ku taala dalka Shiinaha ayaa waxaa la sheegay in mushaarkii ay shaqaysteen loogu badalay bulukeeti.

Shaqaalahan oo dhan 30 qof ayaa wadar ahaan waxa ay shirkadda ku lahaayeen lacag dhan $14,050 doolar, taas oo muddo la siin waayay.

Markii dambe waxaa soo dhexgashay laanta shaqada ee Shiinaha, waxaana markii dambe la go'aamiyay in ay qaataan 290,000 bulukeeti.

Wali waxaa jirta lacag u dhiman, lamana oga xiliga la siin doono.

Arrintan oo ka dhacday gobolka Jiangxi ayaa dood ka dhalisay baraha bulshada Shiinaha, waxana ay dadka farta ku fiiqayaan in koboca dhismaha dalkaas uu yahay mid dhiigga dadka lagu miirto, iyaga oo si gaar ah u xusey in dadka lacagtooda la siin waayay ay ahaayeen dad miyiga ka yimid.

Ururka Shaqaalaha Shiinaha ayaa sheegay in ay gacan ka geysteen sidii ay lacagtooda u heli lahaayeen illaa 5 milyan oo shaqaale miyiga ka yimid ah, kuwaas oo mushaarkoodii laga inkirey.